Guddiga Doorashooyinka Iyo Xisbiyada Oo Isla Qaatey Arrimo Doorashada Madaxtooyada Aasaas U Ah
June 15, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddiga Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa xaruntooda magaalada Hargeysa kulan kula yeeshay Hoggaamiyayaasha Xisbiyada Qaranka, kaasi oo ay kaga wada hadleen arrimaha kaadh qaybinta ka socota waddanka, casharadii laga bartay wajigii koowaad ee kaadh qaybinta (Awdal, Saaxil iyo Goobaha Xeebaha Sanaag), diyaar garowga labada gobol ee hadda bilaabmaya (Togdheer & Maroodo-jeex) iyo diyaar garowga guud ee doorashada Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.
Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa war qoraal ah oo ku saabsan kulankaasi, ku baahiyey barta komishanku ku leeyahay Internet-ka, waxaanu u dhignaa sidan “Komishanku wuxu xisbiyada Qaranka uga warbixiyey qandaraasyadii keenista qalabka doorashada oo dhawaan la baahiyey, Xeerka Doorashada Madaxtooyada iyo wakhtiyada loo baahan yahay in shaqooyinka la xidhiidha doorashada la soo dhameystiro, ku dhawaaqistii wakhtiga doorashada iyo dhaqaalaha doorashada madaxtooyada”.