Ciidamada Booliska Somaliland Oo Xabsiga Dhigay Laba Ganacsade Oo Dalka Keenay Kabo Ay Xagga Hoose Kagga Qoran Yahay Magaca Allah (SWT)
June 17, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Ciidamada Booliska Somaliland ayaa la sheegay inay xabsiga u taxaabeen Laba ganacsade oo dalka Keenay Kabo ay xagga hoose kaga qoran Yahay Magaca Allah (SWT).
Kabahan oo ah kuwa ragga ayaa maalmihii u danbeeyeyba waxa hawl gallo lagaga ururinayo Suuqa waday guddi ka socotay wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo kaashanaya ciidamada Booliska kuwaas oo meheradaha iibinaya ka ururiyey kabahan.
Waxaana sidoo kale ay ciidamada Boolisku sida naloo sheegay ay xabsiga dhigeen laba Ganacsade oo la sheegay inay yihiin ganacsatada dalka keenay Kabahan ay xagga hoose kaga xardhan yahay maggaca allah kuwaas oo maalmihii u danbeeyeyba hadal haynteedu taagnayd.