IGAD Oo La Sheegay Inay Xilkii Soomaaliya Ka Qaadeen General Gabre
June 17, 2017 - Written by Berbera Today
Muqdisho(Berberatoday.com)-Urur goboleedka IGAD ayaa xilkii ka qaaday General Gabre oo ah sarkaal Itoobiyaan ah oo IGAD u qaabilsanaa qaybta Soomaaliya, lamana hayo weli qofka kale ee lagu bedelay.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa idaacadaha Muqdisho u sheegay in urur goboleedka IGAD shaqadii ka joojiyay General Gabre oo muddo dheer IGAD u qaabilsanaa arrimaha Soomaaliya. Warbaahinta Muqdisho ayaad aad shalay uga faalootay bedelaada IGAD ku samaysay sarkaalkan Itoobiyaanka ah.