Imaaraadka Oo Garoomadiisa Diyaaradaha Ku Diyaariyey Goobo Ay Seexan Karaan Dadka Duulimaadyada Sugayaa
June 17, 2017 - Written by Berbera Today
Dubai(Berberatoday.com)- Gegeda diyaaradaha ee Dubai ayaa dhowaan lagu diyaariyey barxad weyn oo loogu talagalay in dadka safraya ee duulimaadyada sugayaa ay yara seexan karaan saacadaha ay joogaan. Goobtan oo lagu diyaariyey taandhooyin casriya oo hal qof le’eg, dhinacana isku wada haya ayaa loo bixiyey, “Sleep and fly’ oo ah kelmada Inigiriisiya oo macnaheedu noqonayo, ‘hurdo iyo duulimaad’
Sida lagu sheegay war uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda wararka ee Al-Carabiya taandhooyinkani waxa ay u diyaarsan yihiin qaab qofka degaa uu raaxo badan iyo nasasho dareemayo, waxa aanay isugu jiraan kuwo qofka oo keliyi degi karo iyo kuwo qoyska iyo carruurta loogu talaya.