Itoobiya Oo Shaacisay Inuu Wada Hadal Ka Socdo Saamiga Ay Damacsan Yihiin Inay Ku Yeeshaan Dekeda Berbera
June 17, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Gaadiidka dalka Itoobiya Axmed Shide ayaa shaaciyey in wali wada hadal ka taagan yahay saamiga ay dawladiisu damacsan tahay inay ku yeelato dekeda magaalada Berbera.

Wasiir Axmed Shide oo Jabuuti kaga qayb galay furitaanka dekeda Tojara ayaa warbaahinta u sheegay inay soo dhawaynayaan maal gelinta dekeda Berbera balse uu wali wada hadal ka socda saamiga ay doonayaan inay ku yeeshaan waxaanu yidhi “Arinta ku saabsan saamiga aanu ku yeelanayno dekeda Berbera wali wada hadaladii ayaa socda, inaan maal gashano dekeda Berbera-na mawqif ahaan waanu taageersanahay aniga ayaana qaabilsan arimahaas oo wada hadal ayaa noo socda, maal gelinta dekeda Berbera ee ay wadaan DP