Madaxweyne Siilaanyo Oo Saddex Bilood Gudahood Safarkii Labaad Oo Gaar Ah Shalay Ugu Baxay Dalka Dibadiisa
June 17, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa shalay dalka Imaaraadka Carabta ugu ambobaxay socdaal gaar ah oo la sheegay inuu qaadan doono maalmo kooban oo aan la cayimin.
Madaxtooyada Somaliland ayaa qoraal ay ku baahisay baraha bulshadu ku xidhiidho, waxay ku sheegtay in madaxweynaha ay wehelisay wasiirka maaliyadda Samsam Cabdi Aadan. Qoraalka ayaa u qornaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, oo ay wehelinayaan Marwada Koowaad ee Qaranka, Marwo Aamina-weris Sheekh Maxamed Jirde, Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan, iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Mudane Cali Axmed Cali ayaa ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee cigaal International Aiprort Hargeysa. Weftigaas oo u duulay Imaaraadka Carabta ayaa safar gaara oo maalmo ah halkaasi ku jooji doona.”