Meydadka Badmaaxayaal Mareykan Ah Oo La Helay
June 18, 2017 - Written by Berbera Today
USA(Berberatoday.com)-Todobo badmaaxayaal Mareykan ah oo sarnaa markab dagaal oo uu leeyahay Mareykanka, muddo laba maalmood na la la’aa ayaa la helay iyagoo meyd ah, ka dib markii markabkoodu uu ku dhacay midkale oo siday xamuul.

Markabkan ayaa xiliga uu shilka dhacayay ku sugnaa meel ka baxsan xeebaha dalka Japan, waxaana dhimashada badmaaxayaasha xaqiijiyay saraakiisha ciidammada badda ee Mareykanka.