Jabuuti Oo Sheegtay In Eratariya La Wareegtay Jaziirad Ay Ku Muransan-yihiin Iyo Midowga Afrika Oo Hadlay Xiisaddan
June 19, 2017 - Written by Berbera Today
Addis Ababa(Berberatoday.com)-Midowga Afrika ayaa ugu baaqay dowladaha Jabuuti iyo Ereteria in ay xasilooni muujiyaan, ka dib markii dowladda Jabuuti ay deriskeeda Asmara ku eedeysay in ay la wareegtay Dhul ku yaalla Xuduudka labada oo ay ku muransan yihiin.
Wasiirka Arimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay in ciidamada Ereteriya ay la wareegeen gacan ku haynta buurta iyo jaziirad-da Dumeira oo ah goob ay labada waddan isku-khilaaf-san-yihiin.
Arintan ayaa ka danbaysay ka dib markii dowlada Qadar ay la baxday ciidamo nabad sugid ah oo labad dhinac ku kala dhex-jiray sababo la xidhiidha in labada dowladood ay la safteen dowladda Sacuudiga iyo xulufadeeda.