berberatoday.com
Shil Laba Baabuur Oo Isgalay Oo Ka Dhacay Duleedka Galbeed Ee Hargeysa Oo Dhimashada Sadex Ruux Sababay Iyo Qaabka Shilku Udhacay Oo Argagax Leh+Daawo Sawirada
June 21, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Saddex Qof oo Rag ah ayaa ku Geeriyooday Shil Baabuur oo Maanta ka dhacay Duleedka Galbeed ee Magaalada Hargeysa, gaar ahaan inta u dhaxaysa Hargeysa iyo Degmada Abaarso.

Shil Baabuur 4

Saddexda Qof ayaa Geeriyooday, ka dib markii ay isku dhaceen Laba Gaadhi oo midkood ahaa Gaadiidka Xamuulka qaada ee loo yaqaanno Shaambooga iyo Taksi yar oo Dad Rakaab ah siday.

Shil Baabuur 2

Gaadhiga Xamuulka ah oo la sheegay inuu siday Khudaar uu dhanka Hargeysa ku soo waday ayaa waxay isku dhaceen ama is-jiidheen Gaadhiga Taksiga ah, taasina waxay keentay in Saddex Qof oo ka mid ahaa Dadkii la socday Taksigu ay halkaasi ku Geeriyoodaan, halka Gaadhigii Xamuulka ahaana uu dab xoog lihi ka kacay, inkasta oo aanu khasaare nafeed ka dhalan.

Shil Baabuur 3

Dabka ka kacay Gaadhiga Xamuulka ah, ayaa waxa u gurmaday oo bakhtiiyey Gaadiidka Dab-damiska ee Caasimadda Hargeysa, kuwaasi oo lagu soo war-geliyey dhibaatada dhacday.

Shil Baabuur 1

Meydadka Saddexda Qof ee Shilkaasi ku Geeriyooday ayaa waxa la dhigay Cisbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa, waxaana baadhitaanka Sida Shilkani u dhacay la wareegay Ciidammada Nabadgalyada Waddooyinka Somaliland.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews