Shirkadda Dp World Oo Wasiir Cali Mareexaan Ka Hor Istaagtay Inuu Dekedda Berbera Ka Soo Saaro Qalab Dhisme Oo Loo Waday Dhismaha Wadada Ceerigaabo Iyo Codsigii Madaxweyne Siilanyo Laga Hoos Qaadi Waayay+Fadeexaddii Ka Dhacday
June 21, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Shirkadda maamusha dekadda magaalada Berbera ee Dp World, ayaa gebi ahaan ba hor istaagay qalab dhismaha ah oo wasaaradda Hawlaha guud iyo Guryeynta Somaliland ay u soo iibisay dhismaha wadada Ceerigaabo ee gobalka Sanaag.
Sida ay noo xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo aanu ka helayno dekadda Berbera iyo weli ba sida oo kale wasaaradda hawlaha guud iyo guryeynta Somaliland, ayaa sheegaya in toddobaadkii ina soo dhaafay ay shirkadda Dp World hor istaagtay qalabkaas dhismeed oo wasiirka wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryeynta Somaliland uu doonaayey in laga soo saaro dekadda Berbera, waxaana ay shirkaddu ku doodey in aan qalabkaas laga saari karin dekadda illaa ay Xukuumaddu bixiso lacagta ay dekaddu ugu adeegtay qalabkaasi soo dejintiisa, balse waxa uu taas diidey wasiirka wasaaradda hawlaha guud iyo guryeynta Somaliland Md.Cali Mareexaan.