Akhriso Xukunka Lagu Riday Cisbitaal 26 Sano Ka Hor Isku Qalday Laba Hablood Oo Isku Wakhti Ku Dhashay
June 24, 2017 - Written by Berbera Today
Vienna(Berberatoday.com)-Cisbitaal ku yaalla magaalada Gratis ee koonfurta dalka Usteri ayaa la saaray masuuliyadda isku qaldid lagu sameeyey laba hablood oo ku dhashay cisbitaalka muddo hadda laga joogo 26 sano, waxa aana lagu xukumay in uu bixiyo khasaare mooral iyo karaamo dilid aadame ah ee ku dhacay labada carruur ah ee la isku qalday iyo qoysaska ay ka dhasheen. Waxa se nasiibdarro ah in labada hablood ee la isku qalday midkood aan la haynin meel ay ku dambaysay.
