Cabiraxmaan Saylici oo Ka Qayb Galay Aaska Marxuum uu Ku Booqan Waayay Cisbitaalka X
June 26, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaankii Ugu Dada weynaa Xiligan Golaha Guurtida Somaliland Xildhibaan Sheekh Cumar Axmed Fure ayaa Xaley ku geeriyooday Cusbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa Kadib markii uu xanuun kusoo boodey horaantii Bisha barakeysan ee Ramadaan .
Marxuum Sheekh Cumar Sheekh Axmed Fure oo ahaa muftigii qu’raanka Kariimka u akhriyi jirey Golaha Guurtida waxa uu xanuunkiisu kusoo beegay xili uu dalka ka maqnaa Madaxweyne Siilaanyo Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Gaal iyo Wasiirka Madaxtooysdu waxaaney ku adkaatey in uu ku booqdo Cusbitaalka Hargeysa.