berberatoday.com
Daawo Sawirada”Madaxtooyada Oo Lagu Qabtay Xuska 57 Guuradii Ka Soo Wareegtay Markii Somaliland Xornimada Ka Qaadatay Gumaystihii Ingiriiska
June 27, 2017 - Written by Berbera Today

Hargaysa(Berberatoday.com)-Munaasibad lagu Weynaynayo 57 Guuradii ka soo Wareegtay Markii ay Jamhuuriyadda Somaliland Xoriyaddeeda ka qaadatay Boqortooyada Ingiriiska 26-kii June 1960 kii ayaa Xalay ka qabsoontay Xarunta Qasriga Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa.

099A8417099A8420099A8421099A8423099A8432099A8433099A8435099A8439099A8446099A8450099A8456099A8460

Munaasibaddaasi oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay ayaa waxa  ka  qayb galay Madaxweyne ku xigeenka, ahna ku Simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici, Gudoomiyaha Ahna Murashax Madaxweyne-nimo ee Xisbul xaakimka KULMIYE Muj. Muuse Biixi Cabdi,  masuuliyiin iyo marti-sharaf door ah oo ay ka mid ahaayeen Gudoomiyaha Maxkamada Sare Md. Aadan Xaaji Cali, Gudoomiye ku xigeenka Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax, Gudoomiyaha UCID Eng, Faysal Cali Waraabe, wasiiro badan oo ka tirsan xukuumadda, Taliyeyaasha ciidamada kala duwan ee Somaliland iyo masuuliyiin ka socda hay’adaha Samafalka Caalamiga ah ee dalka jooga, Dublamaasiyiin ka socday Wadamada ay Somaliland Saaxiibka yihiin oo uu ka mid ahaa safiirka Djibouti.

099A8472099A8476099A8496099A8498099A8499099A8503099A8506099A8519099A8520099A8521099A8524099A8525099A8527099A8528099A8533099A8537099A8538099A8540099A8550099A8568099A8577099A8579099A8582099A8588099A8591099A8593099A8594099A8596099A8601099A8603099A8607099A8610

Munaasibada oo uu ka hadlay Madaxweyne ku xigeenka, ahna ku Simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylic, isaga oo khudbad uu jeediyeyna kaga hadlay qiimaha maalinta 26 juun waxa uu yidhi “Maanta waa maalin weyn, waa maalin aad innoogu qiimo badan, waa maalin mudan inaynu muunayno, waa maalin mudan inaynu xusno, waa maalintii aynu xoriyada ka qaadanynay maxmiyadii Ingiriiska, dhawr iyo todobaatan sanadood markay hoos joognay maxmiyadoodii, waa todoba iyo konton guuradoodii ka soo wareegtay 1960-kii bishii Juun 26-keedii. Maalintaasi qiimaha ay leedahay awgeed waxaan halkan hambalyo ugu dirayaa dhamaan Ummadda reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan gudo iyo dibadba, waxaan leeyahay hambalyo, sidoo kale ciid mubaarak, cisi ku ciida, caafimaad ku waara meel kasta oo aad joogtaan, Hambalyo Hambalyo.”

099A8000099A8001099A8002099A8003099A8004099A8005099A8403099A8404

ku Simaha Madaxweynaha  ayaa sidoo kalena intaasi ku daray “Hambalyadaa ka dib, taariikhda ay lahayd iyo wixii loosoo maray, waxa ka waramay odayaashaa taariikhda ku lahaa, awoowyaasheen iyo aabayaasheen ayaa halgan dheer ka dib waxay ku guulaysteen in 26-kii Juun 1960-kii in gacanta laga saaro qaranimadii, oo Ingiriis calankiisii iska lab-laabto, oo aynu noqono calan Soomaaliyeed kii u horayeeyey in laga taago Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan caasimada Hargeysa, oo maanta caasimada Somaliland ah, ILAAHAY ayeynu ugu mahad naqaynayaa, hadana qadarka ayaa iska qoran, waxa ILAAHAY qadaray in xoriyadii qiimahaa lahayn ee taariikhdaa loo soo maray ee sidii dadku sugayey laga waramay inaynu si dhib yar uun u dhiibno, jacayl walaalnimo iyo Soomaali-nimo uun, iyadoo Ummaddii Soomaaliyeed oo shan meelood ku kala xidh-xidhnayd inay meel isugu timaaddo innagu aan ka noqono hormood, iyadoo aan cidna inagu khasbin aan ku tagnay garaadkeena, maskaxdeena iyo ikhtiyaarkeena iyo walaal jacaylnimo aan ula tagnay walaalaheenii koonfurta, dabadeena aan noqonay qaran, ay ku midoobeen laba dal ee jiray, oo midna mustacmaraddii Ingiiriiska ahaa midna uu Talyaanigu uu gumaysan jiray, taasi waxay dhacday in markiiba saluuggu uu soo baxay, intaan laba gaadhinba wakhti dheer oo dagaal dhacay, oo burbur dhacay, oo dulmi dhacay ka hor, Abwaanadeenaa sheegay oo Timda-cade ka mid ahaa, 1962-kiina dhalintii Somaliland ee ciidamadu waa kuwii isku dayey inay qaranimada soo celiyaan, laakiin wakhtigii Alle qaddaray ayey soo noqotay, waxaynu xorriyaddii la soo noqonay 1991-kii, 18 May, ayey Ummadda reer Somaliland go’aansatay inay mar labaad xorriyaddoodii dawladoodii kale ee Soomaaliya ay kula midoobeen inay la soo noqdaan, taasina waa mid ku timid rabitaan shacab, mid laga noqonaya maanta maaha, cid u fadhidaana aaney jirin.”

099A8615099A8667099A8670099A8674

Madaxweyne ku xigeen Saylici ayaa geesta kale ka hadlay midha ay Somaliland ka heshay qaranimadeeda ay la soo nqortay waxaanu yidhi “Qaranimadaa aynu la soo noqonay kuma aynu khasaarin, iyagiina waa kuwaa ilaa maanta dhibaatada haysata aynu ognahay, waanaynu uga ducaynaynaa, waa dad muslim ah oo walaalaheen ah, mar walba waxaynu innagu diyaar u nahay in wada-hadalkii Somaliland iyo Soomaaliya uu socdo innaga oo ujeedadeenu mar walba tahay inaynu laba dal, oo Soomaaliyeed oo Jamhuuriyadda Somaliland iyo  Jamhuuriyadda Soomaaliya la yidhaahdo aynu ku heshiino, walaaladeen iyaguna ay danahooda ka tashadaan, innaguna aynu kuweena ka tashano, mar walba diyaar ayaanu u nahay wada-hadalkaasi, laakiin walaaladeen waxaad mooday in dad ina qabsaday ay ahaayeen oo dad walaalnimo isugu tagay sideedii oo kale uma dhaqmaan, waxay u dhaqmaan sidii dad ina qabsaday, oo hadalo laaxin leh ay yidhaahaan oo  iyaga oo aan magaaladii caasimadii Muqdisho iyagoo aan ka taglin ay ku hadaaqayaan ilaayo Lawyo-cado ayaanu ka talinaa, waa nasiib darro, madaxda cusub ee dhalinyarada ah ee maanta Soomaaliya loo doortay waxaan leeyahay jidkii kuwii hore ay ku habaabeen ha marina, duniduna horumar ayey gaadhay qof walbana waa lagu ixtiraamaa ra’igiisa, Umadda reer Somaliland go’aanka ay qaateen waa inay ku ixtiraamaan oo aanay isku daalin.”

099A8678099A8706

Ugu dambayn Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa fariin u diray shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland waxaanu yidhi “ Shacabka reer Somaliland waxaan leeyahay dawladnimo waynu haysanaa maanta reer Somaliland-now, intaynu qabiil ixtiraamayno, ee qabiil iyo nin jecelaysi aynu wadno qaran dhisi mayno, qaranimo waxaynu ku dhismaynaa inagoo qabiilka haylkaa iska dhigna, hadaynaan qabiilka halkaas iska dhigayn qarannimo dhisi mayno, waxa aynu u baahan nahay inaynu ka baxno, qo-qobka, iyo nin jeclaysiga, dhamaanteen waa masuuliyad ina wada saaran.”

099A8714

Waxa kale oo isaguna halkaasi ka hadlay Oday Cismaan Axmed Xasan (Cismaan indhoole) oo ahaa badhasaabkii 26/Juun/1960-kii Dawladii Ingiirska kala wareegay calankii Somaliland oo ka hadlay Qiimaha maalintaasi, waxaanu yidhi “ 57 Sanno horteed ayey ahayd markii Ingiriisku dalka ka baxay, nasiibna waxaan u yeeshay in maalintaa aan noqdo ninkii ugu horeeyey ee Calan Soomaali leedahay oo xor ah  loo dhiibay ninkii loo dhiibay inaan noqday ayaan Ilaahay ugu mahad naqayaa, waxaan xasuusnahay maalintaa dadka joogay ee reer Somaliland qof waliba wuxuu islahaa adigaa xornimada helay qofna qofka kale hawsha kuma halaynayn, wadada maalintii la marayey qofka meel qaloociya lama sugayn nimanka Booliska ah ee qof waliba dhankiisuu ka waday, intiinan maanta halkan fadhidaa iyo inta I dhegaysanaysaaba waad la socotaan waxay ahayd iyo meelaha halkii wax laga filayey la waayey Soomaalidu waxay Wadaantu haday qaloocato wuxuunbaa ku hadha. Wadaantii qaloocatay laakiin ka gaadhay oo ILAAHAY baa looga mahad naqaa, Inagana maxaa inala gudboon? maxaa laynaga doonayaa? maxaa laynaga filayaa? Da’awaliba da’ada kasii danbaysa ayey usii tirinaysaa waxaa laynaga doonayaa amma inala gudboon ba  inanaynu dhaqaalayno Calanka halkaa inoo taagan.”

099A8716

Oday Cismaan Indhoole ayaa sidoo kalena dadka reer Somaliand la dardaarmay waxaanu yidhi “ Waxaynu ku dhaqaalaynayanaa dhammaan inanaynu meel uga soo wada jeesano qof waliba  uu dhankiisa ka ilaaliyo oo ka kale aanu ku halaynin wada jirku kaasuu ku imanayaa [ Soomaalidu waxay tidhaahdaa nada adaa ku noole iyadu kuguma noola] ta u horaysa waar horta aan nabada ilaalino ta labaad banii aadam baynu nahay waynu is qardoofaynaynaa waa is qaloocinaynaa aan isu dul qaadano aanu  isasaamaxno, anigu Muslimka oo dhan waan saamaxay mid I xumeeyey iyo mid kaleba waxaanan u yeelayaa wax ka weyn baan filayaa, Ilaahayna aan la cuskano waxa ina soo maray iyo dhibaatadeeda si aan uga baxno si aan u gaadhno himiladeena oo aan filayo inay dad badani iiga danbayn doonaan inaynu Adduunka meesheenii ka muuqano oo aan cidina inoo noqonin turjumaan ee aynu halkeenii ka muuqano aynu Ilaahay ka barino una dedaalno Wasaalamu wa raxmatulaahi wa barakaatu”.

Kooxda fanaaniinta qaranka ayaa halkaasi iyaguna ku soo bandhigay Suugaan ka turjumaysa qiimaha ay leedahay Maalintani 26-juun.

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews