Ismaaciil Pakistani Oo Ah Wiilkii Reer Somaliland Ee Tartankii Quraanka Akhriska Ee Dalka Isutaga Imiraatka Carabta Lagaga Soo Mastaafuriyay Somalinimada Oo Dalka Qatar Gaadhay Daganaansho Rasmiyana Laga Siiyay
June 28, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Ismaaciil Cumar Madar oo ah wiil reer Somaliland ah oo dhawaan sheegtay in laga soo saaray tartankii Quraanka Kariimka ah ee lagu qabtay dalka Imaaraadka Carabta, ayaa socdaal rasmi ah ku tagay dalka Qatar.
Ismaaciil, ayaa sheegay in tartankaas lagaga soo saaray isagoo tartanka kaga qayb galay magaca dalka Soomaaliya, ka dib markii ay dawladda Somaliya diiday inay xidhiidhka u jarto dalka Qatar, lana safato xulafada Sucuudiga. Ismaaciil ayaa markii uu ka soo degay magaalada Hargeysa, waxa laga joojiyay socdaal uu doonayay inuu ku tago magaalada Muqdisho ee Soomaaliya, waxaana lagu sii daayay damiin ka dib markii lagu qabtay Madaarka Hargeysa.