berberatoday.com
Dawladda Imaaraadka Oo Markale Hanjabaad Hawada U Marisay Dalka Qatar
June 29, 2017 - Written by Berbera Today

Dubai(Berberatoday.com)-Safiirka Dowladda Imaaraadka u Fadhiya Ruushka ayaa ku hanjabey in cunuqabatayn dhaqaale oo dheeraad ah la saari doono dowladda Qadar hadii aysan u hogaansamin dalabka xulufada uu hogaaminayo Sucuudigu.

imaaraad9
Cumar Ghobash oo waraysi siinayay wargayska Guardian ee ka soo baxa Ingiriiska ayaa sheegay in dalabka 13-ka qodob ah looga baahan-yahay Qadar in ay aqbasho si ay oga fogaato cunaqabatayn kale oo lagu soo rogo.

“Hadii aysan doonayn in Qadar ay aqbasho dalabaadkeena , arintu markaa waxa ay u muuqan in dhankeena aynan u baahnayn iyaga ” ayuu yidhi safiirka oo tilmaamay in ay diyaar-yihiin qodobo kale oo la doonayo in lagu kordhiyo dalabki hore.

Safiirka ayaa Qadar uga digay xidhiidhka ay la leedahay dowladaha Iran iyo Turkiga ,kuwaasi oo Qadar u soo gurmaday markii lagu soo rogay cunaqabtaynta ,iyada oo ciidamo ka socda turkiga la keenay Doha kuwasi oo qayb ka ah heshiis ay labada dhinac kala saxiixdeen sanado ka hor.

Mar uu ka hadlay arinta Al-jazeera ayuu sheegay in ay ku xad-gudbeen xoriyad-da hadalka ,isaga oo tilmaamay in fahamka ereygaas sida loo qeexayo uu yeelan karo macno kale marka la joogo khaliijka ,isaga oo tusaalooyin dhowr ah bixiyay.

“Waxaan ka dalbanaynaa in Qadar ay doorasho yeelato , hadii ay doortaan Iran ,waxaan ka filaynaa in ay aqbalaan cawaaqibta arintaas ka dhalan karta ” ayuu hadalkiisa sii raaciyay , xilli xiisadda gobolka ka jirta ay sii kordhayso.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews