Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Oo Qaabilay Wefti Uu Hoggaaminayo Safiirka Maraykanka Ee Somaaliya
June 29, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, ahna Ku simaha Madaxweynaha Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi ismaaciil (Saylici) ayaa Maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socday safaaradda uu Maraykanku ku leeyahay Nairobi iyo madaxa hay’adda USAID xarunteeda magaalada Nairobi oo Jamhuuriyadda Somaliland ku yimid safar muhiima.
Kulanka ku simaha Madaxweynuhu la yeeshay waxa ku wehelinayey wasiirka arrimaha dibada, wasiirka arrimaha gudaha, wasiirka warfaafinta, wasiirka diinta iyo aw-qaafta, wasiirka degaanka iyo wasiiru-dawlaha madaxtooyada. Geesta kale weftiga uu hogaaminayey safiirka Maraykanka Mr. Stephen M. Schwartz, waxaana ku wehelinayey madaxa hay’adda USAID Mr Alex Dickie.