berberatoday.com
Maraykanka Oo Soo Saaray Shuruurdo Cusub Oo Dal Ku Galka La Xidhiidha
June 29, 2017 - Written by Berbera Today

Washington(Berberatoday.com)-Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka ayaa soo saaray shuruudo cusub oo looga baahan yahay dadka dal ku gal ka soo dalbanaya lix dal oo ay Muslimiintu ku badan yihiin iyo qaxootiga, waxaana looga baahan yahay in ay “qaraabo dhaw” ama xiriir ganacsi ku leeyihiin Maraykanka.

Shuruudahan saamaynaya dadka ka imaanaya Soomaaliya, Liibiya Suuriya, Suudaan iyo Yemen ayaa dhaqan galaya habeennimada Khamiista.

Waxaa la soo saaray ka dib markii maxkamadda sare ay qayb ahaan soo celisay xayiraaddii socdaalka ee Madaxweyne Donald Trump.

Xayiraaddaas socdaalka oo marun baday dhalisay waxaa markii hore hor istaagay maxkamado hoose.

Sida uu dhigayo sharcigan cusub oo BBC-da loo xaqiijiyay, 90ka maalmood ee soo socda looma ogolaan doono in ay dalka Maraykanka soo galaan dadka aysan qaraabo dhaw ka joogin.

usa

Qaraabo dhaw waxaa lagu qeexay, waalid, xaas, carruur, wiilka iyo gabadha sodoh ama sodog loo yahay iyo walaalo.

Qaraabo dhaw waxaa laga reebay ayayda iyo awawga, eedooyinka, habaryaraha, adeerada iyo abtiyaasha, gabdhaha iyo wiilasha ay walaaladaa dhaleen, xididka, qaraabada kale iyo carruurta ay carruurtaadu dhaleen.

Waxaa mamnuucitaanka laga reebay dadka dadka xiriir ganacsi ama mid waxbarasho la leh dalka Maraykanka.

Si kastaba ha ahaatee shuruudahan cusub waxay si gaar ah u xusayaan in xiriirku uu noqdo mid la ogyahay oo caddayn loo hayo si caadi ahna ku yimid oo aan lagaga lagaga xeeladaysanaynin sharcigan cusub.

 

 

 

 

Source: bbc

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews