Wasiirka Kalluumaysiga Oo Ka Hadlay Jabhad Lagaga Dhawaaqay Gobalka Uu Dhalasho Ahaan Kasoo Jeedo Ee Sanaag Bari
June 30, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Jamhuuriyadda Somaliland Cali Jaamac Faarax (Buureed), ayaa ka hadlay Jabhada lagaga dhawaaqay Deegaanka Laasqoray, waxaanu sheegay in aan raali laga ahayn cid nabadgalyada wax yeesha,nabadgalyada dalkana ay Xukuumaddu masuul ka tahay.
Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Jamhuuriyadda Somaliland Cali Jaamac Faarax (Buureed), oo Wargeyska Geeska Afrika u waramaya isagoo jooga Degmada Dhahar, ayaa sidoo kale ka waramay Shuban Biyood ka dilaacay Degmada Dhahar iyo dad u dhintay, waxaanu yidhi ugu horeyn ‘Anigu hadda waxaan ku sugan yahay oo aan jooga Dhahar, oo aan dadka aan kula ciiday, si fiicana waa looga ciiday, kolay Shuban Biyoodkii wuu soo gaadhay, oo dad ayaa Dhahar ugu geeriyooday Shuban Biyoodka, balse waa lala tacaalay, oo waa la xakameeyey, oo imikana xaaladu aad bay u fiican tahay”.