Aabaha Oo La Ciyaara Ubadkooda, Guriga Dibaddiisana U Saaraa Waxa Ay U Fiican Tahay Caafimaadka Ilmaha
July 1, 2017 - Written by Berbera Today
Washington(Berberatoday.com)-Cilmibaadhis lagu sameeyey dalka Maraykanka ayaa daahfurtay in aabayaasha ka qayb qaata korniinka ubadkooda, ay sabab u noqdaan in caafimaadka ubadku wanaagsanaado iyo in ubadkaasi aanay noqon kuwo miisaankoodu uu ka naaxsanaado inta caafimaad ahaan saxda ah.
Cilmibaadhayaashu waxa ay sheegeen in xaddiga aabuhu uu ka qaybqaato hawlaha la xidhiidha korniinka iyo daryeelka ubadka yaryar, sida cunto u diyaarintooda, la ciyaaristooda iyo in uu guriga ka saaro marar, iyo sida oo kale in uu saamayn ku yeesho cuntadooda iyo caafimaadkooda inta ay da’doodu u dhexeyso Laba illaa Afar sano in uu kaalin ku yeesho noloshooda mustaqbalka.