Shirkadda DP World Oo Si Cad U Diiday Daawaynta Shaqaale Ku Dhaawacmay Gudaha Dekedda Berbera.
July 3, 2017 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Saddex ka tirsan Shaqaalaha Dekeedda Berbera, ayaa dhaawacmay, ka dib markii uu ku dhacay Wiish Alaabta Roga, sida la sheegay Sabtidii , waxaanay wararku intaas ku dareen in Shirkadda Imaaraadka Carabta laga leeyahay ee DP World oo Dekeddaa Maamushaa diidday Dawaynta Shaqaalaha dhaawacmay.

Shaqaalaha dhaawacyadu ka soo gaadheen Shilkaas oo la kulmay iyaga oo Shaqadooda Maalinlaha ah ee Dekedda ku guda-jiray, ayaa mid ka mid ah dhaawacisiisu culus yahay loo soo qaaday dhinaca magaalada Hargeysa oo la sheegay in la keenay Cusbitaalka Hargeysa oo Qaybta Lafaha la dhigay.