|
berberatoday.com
“Heshiiskayagu Wuxuu Ahaa Wixii Dhaawac Iyo Dhimashoba In Ay Bixiso Shirkada Dp World, Iminkana Way Diiday”Musuuliyiinta Ururka Muruqmaalka Dekada Berbera
July 4, 2017 - Written by Berbera Today“Heshiiskayagu wuxuu ahaa Wixii Dhaawac iyo Dhimashoba in Ay Bixiso Shirkada Dp World, Iminkana Way Diiday, Musuuliyiinta Ururka Muruqmaalka Dekada Berbera
Berbera(Berberatoday.com)-Ururka Aay Leeyihiin Xirfadlayaasha Muruqmaalka ah Ee Dekada Berbera Magcoodana Loo yaqaan STEVEDORES Ayaa Si Adag Ugu Hanjabay In Ay Shaqada Joojin Doonaan ,Waxaanay Qoraal Ukala Direen Badhasaaabka Gobolka Saaxil, Taliyaha Qaybta Booliiska, Maareeyaha Dekada Berbera, iyo Maamulka Xafiiska Shirkada Dp World , Qoraalkan Oo Nuqul Kamida Aay Heshay Shabakada Wararka Ee HWN Ayaa waxaa Ku saxeexan Gudoomiyaha Ururkaasi Muruqmaalka Ciise cali Hangoole iyo Gudoomiye Ku Xigeenkiisa Cumar Maxaxmed Cali, iyo Gudida Boodhka U Ah Ururkaasi STEVEDORES ka Oo ka Kooban Sagaal Xubnood, Ururkan STEVEDORES Oo Ah Tiirka Ugu Muhiimsan Shaqaalaha Socod Siinta Shaqada Dekada Berbera Ahna Raga Masuulka ka ah Wax Dejinta iyo Wax Rarida Badeecadhah Kasoo Dega Dekada Berbera Ama Ka Dhoofa Ayaa Tiradoodu Dhan tahay 428 Qof Oo Xirfado Kala Duwan Kaga hawlgala Dekada Berbera,Qoraalkan Ayaa Wuxuu U Qornaa SidanMadaxda Aay Warqadani KuSocoto waxaanu Ku wargalinaynaa In Shirkada Dp World Diiday In Aay Bixiso Dhaawaca iyo Magdhowga , Ninka Magaciisu yahay Maxamed Cabdi Cilmi oo Kmid Ahaa Group C STEVEDORES Secession 2, Kaas Oo Ku Dhaawaxmay Koonteenarka CMA KAILAS,
Waxaanay Masuuliyiinta Shirkada Ku Eedeeyeen In Aanay Wax Shaqo Ah ku lahayn Dhaawaca Ninkaas iyo Xaqiisa Toona, Qoraalkan Ayaa Sidoo kale aay Ku Sheegeen In Gududii Shaqaalahan ee Heshiiska Lasoo gashay Madaxtooyada Somaliland Aay Cadeeyeen in Qofka Shaqaalaha ah ee Ku Dhaawacma Ama Ku Dhinta Aay Dusha u Ridanayso Shirkada Dp World , Taan way ka baxday Ayaay Ku cadeeyeen Qoraalkoodan, Qoraalkan Gudida Shaqaalaha STEVEDORES ka Ee Muruqmaalka Dekada Berbera Kasoo baxay Wuxuu Go,Aan ka Qaatay wada Shaqayntii Shirkada Dp World waxaanya Ku Yidhaahdeen Qoraalkan kama Danbays Waxaanu Go,aansanay In Laga Bilabo 6da Bisha July 2017 In Aanu Shaqada Joojin Doono , Hadii Aan Naloo Cadayn Inta Ka Horaysa Taariikhdaa Meesha Loo Raacayo Wixii Naga Soo Gaadha Shaqada Naga Dhaxaysa Dp World ee Dekada Berbera,, Tan iyo Intii Aay Mamulka Dekada berbera la wareegtay Shirkada Dp World Waxaa taagnaa Muranka U Dhexeeya Muruqmaalkan iyo Shirkada Dp World, Qodabada aay Isku hayeena waxaa Ugu Muhiimsanaa Sidii layskula Meel Dhigi Lahaa Shuruucdii Lagu wada Shaqayn Lahaa, iyo Mushqaayadii lakala qaadan lahaa marka Laysku Shaqeeyo, Masuuliyiinta Ururkan Ayaa ku Doodaya in Shirkada Dp World Aay ka Cago Jiidayso in Aay la Galaan Heshiis Dhaba oo Lagu wada Shaqeeyo, Waxaanay Masuuliyiintani Dhowr Jeer ka Dhawaajiyeen In Aay Diyaar u Yihiin Kuna Qancayaan Wixii Lagaga Shaqeeyo Dekadaha Waawayn ee Jaarkeena ah, Shaqaalaha Ururka STEVEDOREs ka Ah Ee Muruqmaalka Dekada Berbera iyo Masuuliyiintooda Ayaa Siday Sheegeen Wali Dalbanaya in Aay Hellaan Xaqoodii Iyo Waliba Lacag Dayn Ah Oo Kaga maqan Dekada Berbera Taas Oo Aay Ku Sheegeen Ku Dhawaad $90 Milyan Oo Doolar , Waxaany Ku Sifeeyeen Lacagtaa Kaga maqan Dekada Berbera Mid Laga jari Jiray Dhididkooda Aay Shaqaystaan, waxaanay Ku Doodayaan Maadaama Dekadii Berberi ka baxday Gacantii Xukuumada Somaliland in Aay Iyaguna Doonayaan Wixii Dayn iyo Xaqba kaga maqnaa,Dekada Berbera, Wasiir Ku Xigeenka wasaarada madaxtooyada Somaliland Cali Maxamed Axmed Cali Dhagoole Ayaa sida wararka Lagu Hellay la Kulmay Madaxda Ururkan iyo Gudidoodaba Waxaanay U Gudbiyeen Wixii Aay tabanayeen, Wasiir Cali dhagoole Ayaa Sida La Sheegayo u Balan Qaaday In Arimahooda wax Laga Qaban Doono Inkastoo Aay Ku Doodayaan Gudidan Muruqmaalku In balamihii Ku bateen oo Aan Illaa Iminka Wax Xala Laga Gaadhin Sidii Aay Uwada Shaqayn lahaayeen Shaqaalahan Muruqmaalka ah iyo Shirkada Dp Wordl, Wasiir Cali Dhagoole Ayaa Sida Illo Xog Ogaal ahi Sheegayaan ka Codsaday Muruqmaalkana In Aay Shaqada Sii wadaan Inta waftiga Madaxwaynuhu Kasoo Laabanayaan Emaaraadka carabta oo Aay Ku Joogaan Booqasho COMMENTS
|
||||
|
|
|||||