“Ninka Dhaliishayda Ii Sheega Aad Buu Umahadsanyahay, Ninka Iiguul Wadeeyaana Ma Mahadsana”Musharax Mujaahid Muuse Biixi Cabdi”Daawo Muuqal
July 4, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Musharax Muuse Biixi oo wariyeyaasha maanta u qaddo sameeyey ayaa sheegay inuu aad u jecel yahay warbaahinta dhaliishiisa usoo gudbisa, halka kuwo aamaana ku tilmaamay kuwo dadka ka didinaya.
Saxaafaddu waa laba in I taageerta iyo in iga soo horjeedda,kuwo I taageera waxaan leeyahay haddii aad I buunbuunisaan oo ii guul wadaysan wax baad I yeelaysaan ogaadda kuwii kale iga didinaysaan wax run ah uun sheega.
Warbaahinta iga soo horjeeddana waxaan leeyahy waan idiin mahadnaqayaa, oo idinka fiican, waayo waxaad ii sheegtaan dhaliishayda, markaan akhriyo ee dhaliishayda sheegaan waxaan yidhaahda taasna waa kuwa sheega iska qari (waan isa saxaa), haddii dhaliil aanay jirin igu sheegan iyagay ku gudhi iska daa baan yidhaahdaa, ninka dhaliishayda ii sheega aad u mahadsan, ninka ii guul wadeeya ma mahadsana, ninka wax been ah iga sheegana wuu mahadsan yahay oo aakhiraan ajar ka helayaa”