Wasaaradda Ciyaaraha Oo Dambi Ku Sheegtay In Xisbiga WADDANI Dhiso Deyrka Garoonka Burco Oo Qaybi Duntay
July 4, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland, ayaa sheegtay inaan Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI dhisi karin qayb ka mid ah Deyrka Garoonka Kubadda Cagta ee Magaalada Burco oo dhawaan dumay.
Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa Doraad dhagax-dhigay dhismaha Deyrka dumay ee Garoonka Kubadda Cagta ee Burco oo ay doonayaan inay dhisaan, laakiin Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Maxamed Xuseen Axmed (Dhabbeeye) oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Xafiiskiisa Hargeysa, ayaa sheegay in Xisbiga WADDANI xaq u leeyihiin inay ku taliyaan in la dayactiro Deyrka Garoonka ee dumay, laakiin aanay xaq u lahayn inay yidhaahdaan waanu dhisaynaa oo ay Dhagax-dhigaan.