Xukuumadda Oo Sheegtay In Dib Loo Dhigay Shir Khaatumo Iyo Dawladda Uga Furmi Lahaa Burco
July 4, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay in dib loo dhigay Shir Magaalada Burco 15-ka bishanuga furmi lahaa Kooxda Khaatumo iyo Dawladda Somaliland.
Shir-jaraa’id oo Maanta Wasiirka Arrimaha gudaha Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo Guddiga Wada-hadallada u qaabilsan Somaliland ku qabteen Magaalada Hargeysa, ayaa waxa kale oo ay kaga hadleen Hadallo dhaawici kara Wada-hadallada u socda Khaatumo iyo Somaliland oo Khaatumo u gudbisay Dadka deegaannada bariga Somaliland.
Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga KULMIYE Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed oo ugu horeyn halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Wada-hadallo ayaa Saxaafadda ka baxay oo Qolada Khaatumo ay sheegeen in Shirkii Burco la iskugu imanayo. Heshiiskii waxa ku qornaa in Burco la iskugu yimaaddo Shir loo dhan yahay, Guddiyaduna ay Arrintaa ka shaqeeyaan, markaa waxaanu doonaynaa inaanu saxno, si Wada-hadalladu had iyo jeer ay u taabbo galaan, maaddaama oo waxa laga hadlayaa ay yihiin wixii Khilaafaad ah ee labada dhinac ay doonayaan in la isla meel dhigo, waa in labada dhinacba ilaaliyaan, si aanay u imanin wax turxaan ah oo Carqaladayn kara Wada-hadallada.”