Cabdiraxmaan-Cirro Iyo Cabdi Haybe Oo Eeddo Kala Duwan U Jeediyay Xukuumadda
July 5, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Murashaxa xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro), ayaa xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyay inay ku fashilantay u adeegida Shacbiga Somaliland, isla markaasna ay suuqyada dalka ku sii daysay lacag badan oo la soo daabacay taas oo qayb weyn ka ciyaartay sicir bararka xadhkaha goostay ee dalka.

Sidoo kale siyaasiga Cabdi Haybe oo isna ka tirsan xisbigaas ayaa ku eedeeyay xukuumadda inay ku ololaynayso raashinka mucaawinada ah ee dunidu u soo dirto dadka tabaalaysan.