berberatoday.com
Weriye WEJI Oo Ka Warramay Aqoontii Saxaafadeed Ee Marxuum MIJIR-QAADDI
July 5, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Weriye Maxamed Xasan Cali (Weji) oo ka mid ah Ruug-cadaaga Saxaafadda Somaliland, ayaa si kooban uga warramay Aqoontii Alle ha u naxariistee Maxamed Maxamuud Axmed (Mijir-qaaddi) oo ka mid ahaa Raggii lagu bilaabay Idaacadaha Radio Hargeysa iyo Radio Muqdisho isla-markaana Muddo Nus-qarni ah Shaqada Saxaafadda ku soo jiray.

Alle ha u naxariistee Mijir-qaaddi oo 3-dii bishan Julay, 2017-ka ku Geeriyooday Magaalada Burco, laguna aasay, ayaa waxa Aqoontiisii Saxaafadda Maanta ka warramay Weriye Maxamed Xasan Cali (Weji) oo hadal ka jeediyey Hadhimo-sharafeed uu Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Maanta u sameeyay Qaar ka mid ah Saxaafadda Somaliland.

Weriye Weji oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Alle ha u naxariistee MIJIR-QAADDI wuxuu ka mid ahaa Tiir ka mid ah Tiirarka aasaasay Saxaafadda Afka Soomaaliga ku hadasha. Wuxuu ahaa Raggii u badheedhay saxaafadda, iyadoon aanu jirin iskuul ay uga soo baxeen, Cid u tababbartay jirin, Af-Soomaali jirin, wuxuu ka mid ahaa Suxufiyiintii Waraaqo Af-Ingiriisi ku qoran intay Makarafoonka (Idaacadda) la Hor-fadhiistaan Tarjumaad toos ah samayn jiray (ee Wararka ku soo tabin jiray)..”

Alle ha u naxariisto Mijir-qaaddi

Waxa kale oo uu sheegay in Marxuum Mijir-qaaddi ka mid ahaa Suxufiyiintii lahaa Eray-bixinta Afka Soomaaliga ee loo adeegsado War-tabinta, “Wuxuu ahaa Raggii lahaa 80% Tarminoolajiga ama Eray-bixinta (Afka Soomaaliga) ee aynu Idaacadaha ama Telefiishannada kaga hadalno (kalmadaha sida gaarka ah loogu adeegsado War-tabinta)”ayuu yidhi.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews