berberatoday.com
Qisada Jacaylka Wiil Ka Tirsan Dawladda Islaamiga Ah Iyo Gabadh Sirdoonka Maraykanku U Diray In Ay Disho (Q.1)
July 6, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-In badan ayaa aynu aragnaa ama maqalnaa jacayl isu gelayo oo marka aad eegto kala duwanaanshiyahooda nololeed, dhaqan ama aaminsanaantooda dhinaca diinta markaba dadku xukumaan in uu yahay jacayl aan guul loo qorin. Waa se ay dhacdaa in uu rumoobo jacayl aan hore guushiisa loo filayn, in kasta oo taasi u badan tahay filimada iyo qisaska qoran ee jacaylka.
Waxa se la yaab leh in uu jacayl isu galo lammaane ka kala tirsan laba hay’adood oo dagaal furan oo aan la is bixinayn u dhexeeyo, weliba labada qof midkood shaqadiisuba tahay in uu kan kale soo khaarajiyo. Waa jacay qofku marka hore u qaadanayo kuwa aynu ka soo warannay ee filimada iyo buugaagta lagaga sheekeeyo, laakiin xaqiiq dhacday oo la taaban karo ah. Qisadan jacayl ee mucjisada ah oo ay shabakadda Al-Carabiya warbixin kooban ka qortay ayaa uu wargeyska Geeska Afrika akhristayaashiisa afsoomaali ugu soo rogay.
Waxaa muddooyinkii dambe aad loo hadal hayey qisada dacwad maxkamadeed oo sheekadeedu dibadda u soo baxday. Waa qiso jacayl oo ka duwan jacayl kasta oo kale oo dunidan maanta laga yaqaanno. Waa jacayl abuurmay 3 sano ka hor oo isu keenay laba qalbi oo ku kala jira laba jidh oo aad u kala duwan. Waa heesaagii hore ee Jarmalka ahaa oo imika ka tirsan ururka dawladda Islaamiga ah qaybtiisa ka hawlgasha Suuriya iyo gabadh ka tirsan wakaaladda baadhista dembiyada ee federaalka Maraykanka.
Gabadhan caddaanka ah ee timaha cawlan waa basaasad ka tirsan FBI oo shaqadeeda koowaad ay tahay dabin-gelinta dadka liiska argagaxisada ugu jira Maraykanka ee ay doonayaan in ay ugaadhsadaan, laakiin shaqadii u dambaysay ee FBI u dirtay oo ahayd in ay dabinka ku soo riddo wiilkan madowga ah ee hore heesaaga u ahaa, waxa aanay shaqadii ku dhammaatay xaflad aroos aad looga shaqeeyey oo laba sano ka hor ay Daacish ku guursatay FBI magaalada magaalada Riqa ee woqooyiga Suuriya.
Gabadhan caashaqu helay waa Daniela Greene asalkeedu waxa uu ka soo jeeda dalka Jamhuuriyadda Jeek (Czech) oo ay ku dhalatay, kadib muddo ayaa ay ku noolayd dalka Jarmalka oo ay afka Jarmalka si fiican ugu baratay, kadibna waxa ay u wareegtay dhinaca dalka Maraykanka oo ay si rasmi ah u degtay, jinsiyadda Maraykankana ay qaadatay. Daniela waxa ay guursatay askari ka tirsan ciidamada Maraykanka, sida ay ku warrantay shabakadda wararka ee Al-Carabiya. Laakiin waxaa yaab leh in guurkaas hore oo weli taagan in ay guursatay jacaylkeeda cusub.
27kii bishii Juun 2014-ka ayaa ay Daniela magaalada Riqa aroos ugu noqotay fannaanka heesaha Raabka caanka ku ahaan jiray oo inta uu diinta Islaamka qaatay, sannadkii 2013kii ku biiray ururka DAACISH qaybtiisa ka hawlgasha dalka Suuriya. Guurkaas ayaana ka dhigaya in Daniela ay mar keliya xaas u wada noqotay laba nin, oo ka ah ninkeedii hore ee ahaa askariga ka tirsan ciidamada Maraykanka iyo heesaaga hore ee Denis Cuspert oo imika loo yaqaanno Abu Dalxa Al-Almaani. Waana qadiyaddan guursiga labada nin ta ay marka dambe ku kasbatay maxkamadda Maraykanka ah, kadib markii lagu soo oogay dembiyo ay ka mid tahay in ay dhowr nin wada guursatay iyo in ay khiyaamaysay wakaaladda dembibaadhista Federaalka ee dalka Maraykanka oo magaceeda loo soo gaabiyo FBI. La soco…
Xigasho Wargeyska Geeska Afrika
COMMENTS
|