Qisada Jacaylka Wiil Ka Tirsan Dawladda Islaamiga Ah Iyo Gabadh Sirdoonka Maraykanku U Diray In Ay Disho (Q.1)
July 6, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-In badan ayaa aynu aragnaa ama maqalnaa jacayl isu gelayo oo marka aad eegto kala duwanaanshiyahooda nololeed, dhaqan ama aaminsanaantooda dhinaca diinta markaba dadku xukumaan in uu yahay jacayl aan guul loo qorin. Waa se ay dhacdaa in uu rumoobo jacayl aan hore guushiisa loo filayn, in kasta oo taasi u badan tahay filimada iyo qisaska qoran ee jacaylka.
Waxa se la yaab leh in uu jacayl isu galo lammaane ka kala tirsan laba hay’adood oo dagaal furan oo aan la is bixinayn u dhexeeyo, weliba labada qof midkood shaqadiisuba tahay in uu kan kale soo khaarajiyo. Waa jacay qofku marka hore u qaadanayo kuwa aynu ka soo warannay ee filimada iyo buugaagta lagaga sheekeeyo, laakiin xaqiiq dhacday oo la taaban karo ah. Qisadan jacayl ee mucjisada ah oo ay shabakadda Al-Carabiya warbixin kooban ka qortay ayaa uu wargeyska Geeska Afrika akhristayaashiisa afsoomaali ugu soo rogay.