Tuug Dib Usoo Celiyay Lacag Iyo Ubax Uu Xaday Afar Sano Ka Hor !
July 6, 2017 - Written by Berbera Today
Lyon(Berberatoday.com)-Nin tuug ah oo u dhashay Dalka France isla markaana magaciisa la qariyay ayaa dib ugu soo celiyay lacag iyo Ubax uu ka xaday haweenay 70 jir ah sanadkii 2013 kii. Ninkan Tuuga ah ayaa markii uu haweenaydaasi uu dhacay dabadeed waxa uu dareemay murrugo aad u fara badan sida uu isagu sheegay waxaanu aad uga xumaaday haweenayda aadka u wayn ee uu xaday, waxaanu tilmaamay inuu muddadaasi oo dhan aanu lacagtaasi isticmaalin oo uu hayay.