Guurkii Lagu Kala Booday Galbeedka London”W/Q Abdifitah Mohamed Xaambe
July 7, 2017 - Written by Berbera Today
Guurkii lagu kala booday galbeedka London.
Maalintii Isniinta ahayd kuna astaysnayd 3-7-2017 ayaa Hool-ka Aroosyada iyo xafladaha kale ee DIAMOND loogu ballansanaa in la dhiso guri cusub, la iskuna guuriyo laba dhallinyara Soomaaliyeed ah.
Is aragii koobaad ma aysan ahayn ee waxaa qorshuhu ahaa in MEHERKA iyo arooskaba isku mar dhacaan gabadhana loo galbiyo gurigeeda cusub.
Waa la casuumay labada qoysba ehelkooda iyo asxaabtooda, waxaana la diyaarshay wax walba oo looga baahnaa xaflad aroos, sida raashin nuuc walba leh.
Waxaa kaloo goobta diyaar ku ahaa SHIIQII isku mehri lahaan lammaanaha.
Sida badan Meherka ayaa howsha laga bilaabaa ka dibna ayaa raashinka iyo xafladaynta la galaa.
Daqiiqadihii ugu dambeeyey ee wakiilka gabadha wilaayadeeda hayey la is arkay, ayuu sheegay in gabadha MEHERKEEDA ay ka dhigatay 15000 pound( Lacagta UK) Oo Udhiganta 18000$ oo Dollar taasoo uu diiday wiilkii gabadha guursanayey.
Waxaa la isku dayey in la isku soo dhaweeyo labada dhinac laakin qolo walba meel ayey ku dhagtay, waxaana la sheegay gabadha hooyadeed in ay tiri wax qiimahaas ka yar gabadhayda meher u noqo maayaan, halka wiilkiina uu diiday in uu aqbalo meher intaa la eg. Waxaa dhacday in Hoolkii lagu kala yaacay raashinkiisa Masaajidka la geeyey, goobtii farxaddana isku badashay meel la isku wada caraysanyahay oo camanka la wada tuurayo.
Bal gartaa gala asxaabeey, yaa eedda leh?
Aniga ra’yi ahaan waxaan leeyahay wiilkaas nasiib ayuu lahaa, inta uuna badweyn kacsan dhex istaagin ayuu bad-baadey, inkastoo hanti ka qasaartay, qarashna galay.
Qisadaan waa mid dhab ah maadama ay la yaab ila noqotay in aan idinla wadaago ahaan jeclaaday.
Xuquuqda qoralka waa Professor
Abdifitah Mohamed Xaambe