berberatoday.com
Shil Baabuur Oo Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Ka Dhacay Duleedka Barri Ee Magaalada Hargaysa
July 7, 2017 - Written by Berbera Today

Hargaysa(Berberatoday.com)-Ugu Yaraan Saddex qof ayaa ku dhintay Shil baabuur oo ka dhacay duleedka magaalada Hargeysa.

Laba gaadhi oo kala ah Candha Maydhle Aama waraad iyo Booyad ayaa isku dhacay, waxaana la sheegayaa in saddexda qof ee dhintay ay saarnaayeen gaadhiga Booyada.

Goobjoogayaal ku sugan Kaantaroolka Haleeyo ee duleed bari ee magaalada Hargeysa oo la hadlay Idaacadda Koor Oo Aanu Ka Soo Xiganay Warkani waxaa ay sheegayaan in ciidamada Booliiska Somaliland iyo Gaadiidka degdega ay qaadeen maydadka dadkaasi.

Shilka ayaa ka dhacay deegaanka Haleeyo ee bariga magaalada Hargeysa meel masaafo kooban ka xigta dhinaca Jidka Berbera ubaxa.

Taliyaha Ciidanka Ilaalada Wadooyinka Faysal Xiis oo warbaahinta kula hadlay Goobta shilku ka dhacay ayaa sheegay in shilkani yahay kii ugu horeeyay ee Noociisa ah Somaliland ka dhaca.

Shilalka Gaadiidka ayaa kusoo noqnoqda deegaanada Somaliland iyadoo muddo 12 maalmood ka horna shil noocan oo kale ahna ka dhacay duleedka magaalada Hargeysa ee Kaantaroolka Galbeed.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews