berberatoday.com
Gudoomiyaha Dardar Galinta Dakhliga Ee Wasaarada Maaliyada Iyo Gudi Uu Hogaaminayo Oo Gobolka Saaxil Ka Bilaabay Dardar Galinta Dakhliga Dawlada Iyo Kulamo Uu La Yeeshay Hayadaha Dawlada Ee Gobolka
July 8, 2017 - Written by Berbera Today

Berbera(Berberatoday.com)Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil waxa maalmihii Udanbeeyay Ku Sugnaa Gudida Dardar Galinta Dakhliga Dalka Kuwaas oo uu Hogaaminayay Gudoomiyaha Dakhli Ururinta iyo Dardar Galinta Maaliyada ee Wasaarada Maaliyada Cabdiraxmaan Jibriil Cabsiiye.

Gudidan oo ay Qeyb ka yihiin masuuliyiin sare oo ka tirsan Wasaarada Maaliyada iyo Gudidad dardar galinta Dakhliga Dalka ayaa Saaka subaxnimadii Kulamo ay ku dardar galinayaa dakhliga haayadaha dawlada ee Gobolka Saaxil ku gaalaa bixiyay Xarunta Kastamka Berbera, Cashuuraha Beriga Berbera iyo dawlada Hoose ee Berbera,

kulamadan oo ahaa kuwo saxaafadu debeda ka joogtay oo Laysku raagay ayaa waxa la sheegay in Gabagabadii kulan balaadhan lagu qabtay Xarunta Mamulka Gobolka Saaxil Waxaana kulankaas kasoo qeyb galay Gudoomiyaha Gobolka Saaxil, Mayarka Degmada Berbera, Taliyaha Qeybta Booliska iyo Guud ahaan Isuduwayaasha wasaaradaha iyo hayadaha dawlada ee Gobolka Saaxil,

Waxaan la sheegay kulankaas lagu qabtay xafiiska Gudoomiyaha Gobolka inuu hadal dheer oo dardar galinta Dakhliga La xidhiidha kasoo jeediyay Gudoomiyaha Dardar Galinta Dakhliga ee Wasaarada maaliyada Cabdiraxmaan Jibriil Cabsiiye oo ku dheeraaday ahmiyada uu Qaranka Somaliland uleeyahay dakhliga oo la kobciyo lana dardar galiyaa. isaga oo ugu danbayntii ugu baaqay dhamaan hayadaha dawlada iyo isuduwayasha Hadaha dawlada ee gobolka saaxil in maalinra beriya laga bilaabo la dardar galiyo dakhli ururinta lana soo xereeyo wixii dakhliya ee aan hayadaha dawlada usoo xeroonin iyada oo lays kaashanayo.

Sidoo kale Gudoomiyaha Dardar galinta iyo Dakhli ururinyta wasaarada Maaliyada Somaliland waxa uu ugu baaqay ganacsatada iyo bulshada Reer saaxilba inay bixiyaan cashuuraha ku baaqday si dakhliga dalku unoqdo mid midha dhala oo waxtar leh islamarkaana wax loogu qabto guud ahaan shacabka Somaliland.

 

Ugu danbeytii waxa maalinta Beriya loo balamay in dhamaan hayadaha dawlada ee dakhli ururintu inay dardar galiyaan hawlohooda dakhli ururineed iyaga oo dhamaantood is kaashanaya.

 

 

 

Berberatoday.com

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews