berberatoday.com
Milkiilaha Shabakada Xidhiidhka Bulshada Caalamka Ee Facebook Oo Isku Dayaya Inuu Iibsado Koox Premier League Ingiriiska Ka Dhisan Iyo Jawaab Ay Bixisay Kooxda Lala Xidhiidhinayo
July 10, 2017 - Written by Berbera Today

London(Berberatoday.com)-Horyaalka Premier League waxa uu haatan hooy u yahay qaar ka mid ah dadka ugu taajirsan ganacsiga dunida.

Ka soo bilow milkiilaha Manchester City Sheikh Mansour ilaa iyo milkiilaha Leicester City Vichai Srivaddhanaprabha, waa rag leh hanti ku fadhisa balaayiin doolar.

Mansour waxaa la sheegaa inay hantidiisu gaareyso 20 bilyan ginni, laakiin midkoodna uma soo dhawaanayo madaxa iyo aas-aasaha Facebook Mark Zuckerberg kaasoo lagu waramayo inuu qeyb ka yahay shirkad maalgashi oo la yiraahdo Iconiq Capital.

Hadaba maxaa arinkaan iyo kubada cagta iska galay?

Iconiq Capital waxa ay maamushaa hantida dhowr bilyaneero oo ganacsiga teknooloojiyada ku jira oo uu ka mid yahay Mark Zuckerberg, waxaana la sheegay inay isku diyaarineyso inay iibsato kooxda Tottenham Hotspur.

Wargeyska The Times ayaa sheegtay in lacagta ay shirkadaan ku dooneyso Tottenham inay gaareyso hal bilyan ginni, laakiin milkiilaha kooxda Tottenham Joe Lewis ayaa doonaya 2 bilyan ginni.

Sida lagu sheegay warbixinta wargeyska, shirkada Iconiq ayaa dalab 882.6 milyan ginni ah ka gudbisay Spurs laakiin milkiilahooda Lewis ayaa soo diiday.

Waxa ay shirkadaan hore wadahadalo ku saabsan iibsashada la yeesheen kooxda sannadii 2014.

Ka dib markii uu warkaan soo baxay kooxda Tottenham ayaa soo saartay warbixin ay ku sheegeyso inaysan jirin shirkad la soo xiriirtay oo xiiseyneysa iibsashada kooxda.

Warbixinta ay kooxda soo saartay waxaa lagu sheegay in maamulka kooxda uusan wax wadahadal ah ka geli doonin inay kooxda ku wareejiyaan shirkad kale.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews