Puntland Oo Soo Bandhigtay Fadhiisimo Cusub Ay Al-Shabaab Kala Wareegtay+Daawo sawirada
July 10, 2017 - Written by Berbera Today
Garoowe(Berberatoday.com)-Maamulka Puntland ayaa manta Saxaafada usoo bandhigay Fadhiisimo iyo deegaano
ay al-shabaab kala wareegeen kadib dagaal qadhaadh oo 4 maalin ka socday Buuraha Gal-gala ee Gobolka Bari.

Mudo ka badan 4 Maalmood Ciidamada MAAMUL GOBOLEEDKA Soomaaliyeed ee Puntland waxa ay howlgallo ka wadeen deegaano u dhow dhow Buuraha Calmadoow ee Gobolka Bari halkaas oo la rumeysan yahay in ay ku sugan yihiin dagaal yahano ka tirsan Al-Shabaab.