Shaqaalaha Waaxda Xisaabaadka Dekeda Berbera Oo Cabasho Ka Muujiyay Qaabka Loo Xushay Xisaabiyaha Dekeda Berbera Ee Shirkada DP World Oo Ay Sheegeen In Hab Qabiil Lagu Soo Saaray
July 10, 2017 - Written by Berbera Today
Cadaalad Laguma Sixin Imtixaanka ,Xisaabiyaha Guud na Eex Baanu Ka Tirsanaynaa, Shaqaalaha Xisaabaadka Dekada Berbera

Berbera(Berberatoday.com)-Xisaabiyaha Guud Ee Shirkada Dp World Ee Dekada Berbera Iimaan Yuusuf Iimaan Ayaa Bishii Juun 21 Keedii Wuxuu Imtixaan ka Qaaday Shaqaalaha Qaybta Xisaaabaaadka Ee Dekada Berbera Imtixaankan Waxaa Ufadhiistay 66 Qof oo 65 Kamid Ahi ka Tirsan Yihiin Waaxda Xisaabaadka Dekada Berbera Halka Qofka Soo hadhayna ka Shaqeeyo Waaxyaha kale Ee Dekada Berbera,