Waa qaar ka mida kuwii ugu waxtarka badnaa halganki SNM waana kuwa ku xusan sooyaalka taariikheed ee SNM, waana ragii magaca iyo mahadhada dhigay oo magaca u sameeyay dalkan Somaliland,
Hadii in uun cidi sheeganayso ama ku faanayso halgankii ururkii dhaqdhaqaaqa dhaqdhaqaaqa umada soomaaliyeed ee dhalay soomaalilaan cida sheeganaysaa kuwan.
Ma jiro qof ka mudan ABDIRAHMAN AW CALI FAARAX TOLWAA
Ma jiro qof ka mudan MAXAMED CILIMI GALAAN
Ma jiro qof ka mudan IBRAAHIN CABDILLAHI XUSEEN DHAGAWEYNE
hadii in uun halgankii SNM bornimo jaraayo kuwan bay u jari la hayd hadii ay xaq noqotana cid kasta iyagaa kaga xaq leh
Halgankii SNM waa mid ka qiimo weyn kana sino balaadhan in hal qof ka dhigto campaign siyaasiya kuna raad sado danihiisa shaqsigaa
Halgamayaasha aan sare ku xusay dhamaantood wey uga waxtar iyo dirir badnaayeen musharaxa kulmiye halgan kii SNM waliba waxa hubaal in aanu midkoodana la saamayn ahayn iyada oo ay sidaasi tahay hadana ma sheegtaan halgankii umada
Waxa aan u arkaa sheegashada halgankii SNM ee muuse biixi in ay tahay kalsooni daro aad u weyn.
Dhamaan taageera yaasha muuse waxa aan farayaa in ay soo bandhigaan hirgaliyaan faafiyaan barnaamijka musharaxa kulmiye si umadu u aragto waxa uu u qabanaayo
War maaha muuse ayaa go’aan adag
Waar umadu waxa ay doonaysaa qorshe siyaasadeed oo lagu hago
War maaha muusaa Soo halgamay, waar waxa jooga kuwii sida tooskaa dirirta u waday halgankii SNM bilow ilaa dhamaad
Waliba aan sii wadee dhamaan halgamayaashaa muuse la duruuf maaha maanta dhamaan tood iyaga oo qaaxo ka yimid hadana MUUSE BIIXI waa tijaar haysta hanti mood iyo noolba leh halka ku wanina ay yihiin rag faaruqa oo fara madhan tolow miyay shaqaysan waa yeen? Tolow muuse miyuu shaqaystay? Waa su,aal u baahan jawaab waafiya.