“Xukuumada I Xidhay Iyo Gudoomiyaha SOLJA Waxaan Odhan Karaa Waa Isku Mid Oo Meel Ayay Ka Wada Taagnaayeen Dacwadayda,Waxaanan Jeclaa In Xuuto Uu Noqdo Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Hargaysa W/Q Maxamed Aadan Dirir
Xukuumada i Xidhay Iyo Gudoomiyaha SOLJA Waxaan Odhan Karaa Waa Isku Mid oo Meel ayay Ka wada Taagnaayeen Dacwadayda,waxaanan Jeclaa in Xuuto uu Noqdo Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Hargaysa Maadaama Uu Warbaahintii Isaga Laftiisu Dacweynaayo”Cumar Seerbiya Oo Maanta Lasii Dayaay Ayaa Meesha Ka saaray Beentii Iyo Buunbuunintii Gudoomiyaha SOLJA uu U Sheegay Idaacada BBC ee Ahayd In Weriye Seerbiya Kiiska Lagu Haystaa uu Ka Madax Banaan Yahay Mihnadiisa Weriyenimo.

Ururka SOLJA Wuxuu Marayaa Jid Foolxun Waxaana taasi Marag u Ah in uu Gudoomiyaha Ururkaasi oo ah Markii ugu horeysay ee uu Xil Noocan Ah Qabto uu Lasoo Safto Xukuumadii Miciyaha u Lisanaysay Cabudhinta Warbaahinta waxaana Aan Halkan ka cadaynayaa Anigoo Ah Maxamed Aadan Dirir inuu Maxkamada Gobolka Hargaysa Dacwad igaga Soo Oogay Isaga oo Leh Weriyahan Wuxuu Wax ka Qoray Adeerkay Iyo Eedaday Lamana sii dayn Karo isagoo aan la xukumin hadii aanay taasi dhacayna Wuxuu maxkamada Gobolka Hargaysa ka Codsaday in Layga qoro Warqad Damaanad ah Taasi oo Cadaynaysa inaanan Dib Waxba u Qorin.
Tani Maaha Mid aanu U Dul Qaadan doono Waxaana Aanu Marin Doonaa sharciyad Caalami Ah Hadii Xubnahan ku hawlan U Laba Diblaynta Weriyaasha ee Dhinaca Xukuumadu Dib U Fadhiisan