Fitnadii Uu Kala Yimid Qurbaha Yuu Idinku Gubin Maxamed Haaruun Biixi”W/Q Jibriil Cali Xasan.Hargeysa
July 12, 2017 - Written by Berbera Today
Fitnadii uu kala yimid qurbaha yuu idinku gubin Maxamed haaruun
Waxaan maalmahan ka akhriyaayay mareegaha wartebinta qoraallo u badan naxli, qabyaalad cad , kala qaybin shacbiga somaliland , iyo maag indho la’ oo uu ninka sheegta aqoonyahanka ee maxamed Haaruun uu ku soo faafinaayay warbaahinta . bal u fiirso wuxuu dhawr cisho gudahood isu maray oo iska maagay si akhlaaqiyaadka ka baxsan
cisbitaalka hargeysa , shaybaadhka , dawladda hoose , wasaaradda maaliyadda oo uu sicir bararka dusha ka saaray iyadoo keliya . wuxuu kaloo caado ka dhigtay inuu idaacaddii qaranka ku tilmaamo mid cadow oo faqashtii la mid ah .
waxaan idiin sheegayaa horta maxamed haaruun wuxuu ahaa daydaygii hargeysa oo miino indha dam ka siisay isagoo ku hawllanaa mar kasta naxli iyo fitno.
bal haddana eega intuu dadweynihii reer somaliland ee qurbaha joogay isku diri kari waayay oo mabada’iisa somali weyn ku diideen ayuu halka hargeysa la yimid badeecad
qudhuntay oo lagu wada fahmaayo . ogow muwaanka dhabta ah ma khaldi kartid ee waa lagu arkaa ee edebso oo xisbiga waddanina way ku yaqaaniin oo waadigii geed dheer iyo mid gaaban u fuulay in aad waxyeelleyso .
Jibriil Cali xasan
Hargeysa