Hay’ada Sirdoonka Dalka Ingiriiska Ee Mi5 Nin Ka Tirsanaa Haatana Hawlgab-nimo Ku Jira Oo Si Cad Usheegay Inuu Isagu Ka Dambeeyey Hawlgalkii Lagu Diley Amiiradii Diana
London(Berberatoday.com)-Hay’ada sirdoonka dalka Ingiriiska ee Mi5 Nin ka tirsanaa haatana hawlgab-nimo ku jira ayaa si cad u sheegay inuu isagu ka dambeeyey hawlgalkii lagu diley ama lagu khaarajiyey haweenaydii la oran jirey Princess Diana, wuxuuna hadalkiisaas ku qiray inuu horay u fuliyey 23 dil oo shirqool ah mudadii u dhaxeysay Sannadihii 1973-kii illa 1999-kii.
Ninkaas oo magaciisa lagu sheegay John Hopkins da’diisuna tahay 80 jir, waxuu sheegay inuu wax aan ka badneyn todobaad dhakhaatiirta rugta caafimaadka u sheegeen inuu dhimanaayo, sidaa darteedna u sheegaayo inuu isagu dilay Amiirada Diana oo sida u xusay ahayd gabar wanaagsan qurux badan laakiin khatar iyo nabadgalyo xumo galisay qasriga Boqortooyada ingiriiska.
Sarkaalkan John Hopkins wuxuu kaloo cadeeyey in wixii dad ahaa ee uu dilay ay iyada kaliya Gabar ka ahayd, iyadoo amarka lagu khaarijiyey u ahaa mid si toosa uga soo baxay Boqortooyada Ingiriiska, waxaana dilkeeda qiil looga dhigtay in ay wax badan wax ka ogtahay sirta boqortooyada oo laga yaabo in ay maalin un kashifto iyo in laga baqayey in ay guursato nin muslim ah oo ahaa maal qabeen u dhashay dalka Masar.
Mr Hopkins ayaa warkiisa ku soo xiray oo yiri: waan ogahay mar haddi aan dilkii Diyaana kashifay in ay iga daba qaadanayaan xabsigana ii taxaabayaan, laakiin ma kala jecli oo waa anigaas maalmo gudahood God madow la igu sii midaaminaayo, isla markaana dhamaan wixii hawshaas ila ogaa intooda badan dunida wey ka socdeen oo waa geeriyoodeen.