Wiil Wasiir Maxamud Xaashi Dhalay Oo Ingiriisku Ku Xukumay Xabsi Dheer+ Kooxaha Ugu Sareeya Gaan-giistarka Oo Uu Ka Mid Ahaa Iyo Orodka Aabe Xaashi
July 12, 2017 - Written by Berbera Today
Wiil ka mid ah wiilasha uu dhalay wasiirka madaxtooyada soomaaliland Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa xabsi muddo dheer ah oo ku yaala waddanka boqortooyada ingiriiska lagu riday gaar ahaana ku yaala magaalada caanka ah ee Birmingham.
Waxaana la sheegayaa in wasiirku safarkiisii gaarka ahaa ee uu ugu dambeeyay ee markaasi uu ku yimaado waddanka ingiriiska uu ahaa safar la xidhiidha xaaladda wiilkiisa si uu looyar uu ugu qabto iyo wixii lagula tacaali lahaa sanadaha faraha badan ee lagu xukumay isaga iyo wiilal ay saaxiibo ahaayeen oo falal ba’an ka geystay gudaha waddanka ingiriiska.
Wiilkan ka mid ka ah ubadkaWasiirka Madaxtooyada Somaliland ayaa waxa uu ka mid ahaa sida danbi oogayaashu cadeeyeen kooxaha Gaan-giistarka wax laaya waxan isaga iyo rag kale oo mid ka mid ahi somali yahay lagu xukumay xabsi Dheer oo mid kastaaba xidhnaan doono 9 sano oo xadhig ah.
Xaaladda wiilka ayaa aad u liidata sida lagaga soo waramayo waxaana wasiir xaashi lacago fara badan dul dhigay sidii loo soo deyn lahaa wiilkiisa balse dawladaha reer galbeedka ayaa iyagu ka duwan dawladaha afrikaanka iyo carabaha maadaama oo ay yihiin waddamo horumaray oo aan laaluush iyo lacag bixin midna ku siideynin qofka xukun ku dhaco halka dawladaha afrikaanka lagu sii deynayo qofka xukun ku dhaco lacag intay doontaba ha noqotee.