Daawo Muuqalka”Xukuumada Somaliland Oo Ku Dhawaaqdey In Dawlada Sucuudigu Furtay Dhoofkii Xoolaha Iyo Wakhtiga Rarka Xooluhu Bilaami Doonaan
July 21, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka wasaarada Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaash Cabdi ayaa waxaa
uu markii ugu horeysay waxaa uu shaaciyey in dawlada Sucuudigu Furtey dhoofka xoolaha isla markaana uu furmi doono dhoofka xooluhu horaanta bisha Carafa ee inagu soo socota
” Madaxweyne Siilanyo waxaa uu waraaq cabasho ah u qoray boqorka dalka Sucuudiga oo uu kaga hadlaayo dhoofka xoolaha , sidoo kale dawlada Imaradka waanu u qorney , iminka waxaanu markaas warkeeda haynaa in xoolihii la furaayo bishan Carafada ah oo niman Wafti ahina iman doonan , Xoolahana laga dhoofin doono dekada Berbera ” ayuu yidhi wasiirku