|
berberatoday.com
Gudida Doorashooyinka Qaranka Somaliland Oo Ganaaax Lacageed Duldhigay Xisbiyadda WADDANI Iyo KULMIYE, Digniina U Diray Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo
July 21, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddiga komishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland oo maanta (Shalay) kulan warbaahineed ku qabtey magaalada Hargeysa ayaa waxay ka dhawaajiyeen go’aamo adag oo ay kasoo saareen xisbiyada WADDANI iyo KULMIYE oo lagu eedeeyey inay olole ka bilaabeen Togdheer iyo Maroodi-jeex isla markaana ay jabiyeen xeerkii anshaxa ee qaadashada Kaadhadhka codbixiyayaasha.
Waxaana guddiga komishanka doorashooyinku ay shaaca ka qaadeen in ay xisbiyada WADDANI iyo KULMIYE ay ku ganaaxeen qadar lacaga oo aanay xadigeeda shaacin iyaga oo sidoo kalena fariimo adag oo digniin ah u direy masuuliyiinta axsaabta Qaranka Somaliland.
Guddigan ayaa sidoo kalena waxay shaaca ka qaadeen wakhtiga rasmiga ah ee ay gobolada Sool iyo Sanaag ka bilaabmayso qaadashada kaadhadhka codbixiyayaashu,sidoo kalena waxay iftiimiyeen wakhtiga sidoo kale ay kasoo dhamaanayso qaadashada kaadhadhku gobolada Maroodi-jeex iyo Togdheer oo hadda wajigii labaad bilaabmatay.

Ugu horeyn Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi oo kamid ah guddig komishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa waxay sharraxaad ka bixisay wakhti ay soo dhamaanayso qaadashada kaadhadhka ee ka socota Maroodi-jeex iyo Togdheer iyo wakhtiga ay ka bilaabmayso gobolada Sool iyo Sanaag,sidoo kalena waxay fariin u dirtay shacabka gobolada ay hadda ka socoto waxaana kamid ahaa hadaladeedii sida tan
“Kaadhkan waxa uu ku codayn karaa muwaadinku inta doorasho ee uu ka qayb gali doono hadii alle ka dhigo,sidaa aawadeed qof kaste oo qaata kaadhka waa in uu xafidaa oo meel dhigtaa,si uu ugu talo galo inuu ku codeeyo doorasho kaste. Way noo soo gabogaboobmi doontaa hadii alle ka dhigo 30-ka Bisha sidaan rajaynayno labada gobol kaadh qaybinteedu,muddo yarbaa ka hadhay,muddadaas yar waxaan rajaynaynaa oo dadka ku boorinaynaa kuna wacyigalinaynaa inay qaataan kaadhkooda codbixinta,waxa kale oo ku xiga oo qorshaheedii aan ku jirnaa labadii gobol ee ku xigay Sool iyo Sanaag oo ay ka bilaabmi doonto qaadashada kaadhadhku 12.08-2017,labada gobolna waxaan leenahay u diyaar garooba waa Sool iyo Sanaag”sidaas ayey tidhi Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi
Dhinaca kale Cabdiraxmaan Cismaan Sagal oo ah xubin ka tirsan guddiga komishanka Qaranka ayaa shaaca ka qaaday go’aamada ay guddiga komishanku kasoo saareen xeer jabintii xisbiyada WADDANI iyo KULMIYE,isaga oo ka dhawaajiyey in ganaax lacageed lagu ridey xisbiyadaasi waxaana uu yidhi sida tan.
“In dhacdooyin dhawr ah oo khilaafsan waxii lagu heshiiyey ay dhacday,komishanka doorashooyinka Qaranku waxa uu qaatay go’aamo uu u gudbiyey iyagoo qoraal ah afkana uu uga sheegay,oo ah in lacag ganaax ah lagu sameeyey,in digniin rasmi ah loo gudbiyey,digniinta rasmiga ahi waxay ka culus tahay ta lacagta.Waxa kale oo komishanku go’aansaday oo qoraal ugu gudbiyey xisbiyada in labada gobol ee soo socda ee kaadh qaadashadu xisbi waliba uu ku iman karayo oo kaliya Shan gaadhi,waxaan la ogolayn wax olole ah,waxaan la ogolayn wax calamo ah,waxaan la ogolayn wax calaamado ah,waxaan la ogolayn wax isku soo bax ah. Si aynu u dhamaystirno qaadashada kaadhadhka,waxaanu mar labaad ku war gelinaynaa in xisbiyada Qaranku ay si fiican u waafaqaan oo ay ugu dhaqmaan waxii ay saxeexeen ee aanu ku heshiinay,in aanay dhicin waxii hore u dhacay,hadii mar danbe ay dhacdo waxaasi,in ganaaxu uu intii hore ka cuslaan doono.”sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay Cabdiraxmaan Cismaan Sagal oo kamid guddiga komishanka Qaranka Somaliland.
Gabagabadiina gudoomiyaha guddiga komishanka Qaranka Somaliland Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo isna goobtaasi hadalo kasoo jeediyey ayaa xisbiyada Qaranka Somaliland ugu baaqay inay sharciga iyo xeerarkii ku heshiiyeenba ilaaliyaan,isaga oo sidoo kaleana ku goodiyey inaanay mar danbe u dul qaadanayn in xisbi qaran uu jabiyo xeerarkii ay ku heshiiyeen waxaana uu yidhi sida tan.
“Uma dul qaadan doono in xisbi Qaran uu jabiyo xeerkii iyo dastuurkii,waliba xeerarka doorashada ee xeer Num 20,akhrista,darsa,fahma lama ogolaanayo wax xeerkaa jabinaya iyo xeerkii habdhaqanka Anshaxa ee aynu samaysanay,hadda waxii ka danbeeya arrintu way kasii adkaanaysaa,waxaanu halkan uga mahad naqaynaa aanu leenahayna sidaa ku wada xisbiga UCID oo run ahaantii dhagaystay una hogaansamay xeerkii anshaxa oo si asluubaysan goboladii iyo degmooyinkay ka socotay kaadh qaadashadu u taga waa sidaa,marka tartan la galo ee imtixaan la qaadayo qofna waa ku dhacaa qofna waa ku faa’isaa,idinkuna waa ku faa’isteen waana idiinku mahadcelinaynaa”Sidaas ayuu yidhi Cabdiqaadir Imaan Warsame.
Gudoomiyaha guddiga komishanka Qaranka Somaliland oo wali hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu fariin adag u direy xukuumadda Somaliland oo ku adkeeyey inay ilaaliso hantida dawlada oo ay kamid yihiin gaadiidku,sidoo kalena waxa uu fariin u direy shaqaalaha dawlada iyo wasaaradda Warfaafinta Somaliland waxaana uu yidhi sida tan.
“Xukuumadda waxaan iyadana ka codsanaynaa,olole laguma gali karo gaadiidka dawlada ee calaamadda Akhtarka ah leh,shaqaalaha dawlada waa u dhax,iyaguna ma gali karaan olole la arkayo,Qaranka ayay u dhaxeeyaan,Telefeeshinka Qaranka,Iddaacadda Hargeysa labadaasba Qarankaa leh,iyagana waa in wax laga siiyaa ama saddexda xisbi u sinaadaan warbaahinteeda”sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay hadalkiisa gudoomiyaha guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland Cabdiqaadir Iimaan Warsame.
Gabagabadiina dhawaaqan kasoo yeedhay maanta guddiga Komishanka Qaranka Somaliland ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli u dhawaan xisbiga UCID dacwadd ka gudbiyey xisbiyada WADDANI iyo KULMIYE oo uu ku eedeeyey inay jabiyeen xeerkii anshaxa ee ay ku heshiiyeen saddexda xisbi Qaran iyo guddiga komishanka Qaranka Somaliland
Berberatoday.com
COMMENTS
|