berberatoday.com
Ceel-afweyn iyo Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Dagaalka Danaha Gurracan
July 23, 2017 - Written by Berbera Today
Ceel-afweyn(Berberatoday.com)-Inkastoo Khamiistii dorraad uu ka dhacay aagga Dararweyne oo ka tirsan degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag iska hor-imaad hubaysan oo sababay dhimasho iyo dhaawac, haddana Wararkii ugu dambeeyey ee laga helay aaggaasi waxay sheegeen in xaaladdu deggan tahay, ka dib is-farasaarkaa dorraad, isla markaana waxa la sheegay in Ciidammada Qaranku ay halkaas dib ugu noqdeen oo kala dhex-galeen dhinacyada diriray oo dhammaantood ah Dad walaalo ah oo wada dega deegaankaa.
Siday wararku sheegayaan, isku dhacaa dorraad wuxuu ka dhashay, ka dib markii dhinac ka mid ah labada dhinac uu Tacshiirad rasaas ah ku furay Makhaayad ku taalla degsiimada Dararweyne, taasina ay markii dambe isu beddeshay iska hor-imaad ay labada dhinac isku waydaarsadeen Rasaasta. Ma sugna khasaaraha rasmiga ah ee labada dhinac kala gaadhay, Warbaahintuna waxay faafisay Warar kala duwan oo la xidhiidha shaqaaqadaas.
Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-du oo soo xiganaysay Badhasaabka gobolka Sanaag Axmed Cabdi Falaay, waxay baahisay Lix Ruux oo dhimasho ah iyo 18 dhaawac ah. Telefeshinka Horn Cable, ayaa isna baahiyey shan dhimasho ah, qaar kalena waxay baahiyeen tirooyin kala duwan.
Hase-ahaatee, Wararkii ugu dambeeyey oo shalay Ogaal ka helay ila-wareedyo ku sugan deegaankaas, waxay tibaaxeen in dhimashadu gaadhsiisan tahay toddoba Qof labada dhinac-ba, dhaawucuna uu ku dhaw yahay labaataneeyo. Wararkaasi waxay intaa ku dareen, in Jimcihii shalay xaaladdu degganayd, Ciidanka Qaranka Somaliland-na uu ku kala dhex-jiro, isla markaana aanay dhicin wax dhaafsiisan, wixii dhacay Khamiistii dorraad.
Qaar ka mid ah Dadka deegaankaa ee u dhuun-daloola Shaqaaqadan soo noqnoqotay ee ka dhex-taagan Beelaha Walaalaha ah ee wada dega degaankaas, ayaa ku tilmaamay fool-xumadan soo noqnoqonaysa mid dano siyaasadeed hurinayaan, haddaanay sidaa ahayna wakhti horeba la suulin lahaa.
Inkastoo hore heshiis ay Xukuumadda Somaliland gadhwadeen ka tahay loo dhex-dhigay Beelaha degaankaas dabayaaqada sannadkii hore, haddana waxay wararka qaar sheegayaan, in dib-u-curashada shaqaaqadani ay salka ku hayso Heshiiskii hore oo aan sidiisii loo wada fulinnin oo muddo-dhaafay.
Geesta kale, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland iyo dhinacyo kala duwan oo ka hadlay dhacdadaas, ayaa Xukuumadda ugu baaqay inay si deg-deg ah u soo afjarto Xurguftaas, labada dhinac ee dirirayna waxay ugu baaqeen inay joojiyaan colaadda iyo dhiigga macno-darrada u daadanaya oo ay xalka nabad ku raadshaan.
Berberatoday.com
COMMENTS
|