Marxuum Ka Mida Ahaa Shaqaalaha Muruqmaalka Dekeda Berbera Oo Xalay Ugeeriyooday Laba Koonteenar Oo Isu Qabtay Markab Dushii
July 23, 2017 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Alle Ha Unaxariistee Waxa Xalay Sacadihii Danbe Ku Geeriyooday Dekeda Berbera Marxuum Magaciisa Lagu Sheegay Xaamud Xasan Cabdi oo kamida ahaa shaqaalaha Muruqmaalka Dekeda Berbera Gaar ahaan Qeybta Maraakiibra Dushooda Badeecadaha Kasoo Dajiya Ee Stavadoranska.
Marxuumka Geeriyooday ayaa Waxa la sheegay Inay Dhimashadiisa Sababtay Laba Koonteenar oo Isu Qabtay Kadib Markii Wiishka Markabku Soo go,ay Siina Daayay Koonteenar uu siday Mid Kaloo Hoos Yaalayna uu Dusha Kaga Dhacay Isaga oo Marxuumku Ku Taaganyahay Goobtuna Ay Aheyd Markabka Dushiisa.