berberatoday.com
Nin Ku Barbaaray Budhcadnimo Iyo Ka Gancsiga Daroogada Oo Asal Ahaan Kasoo Jeeday Dalka Talyaaniga Kuna Barbaaray Austraalia Oo Xabsi Lagu Xidhay Ku Muslimay Iyo Sababta Keentay
July 23, 2017 - Written by Berbera Today

Wuxuu ka badbaaday 6 shirqool oo la doonayay in lagu khaarajiyo ama lagu dilo, waxaa la dhaawacay dhowr jeer, waxaa jirkiisa laga soo bixiyay xabado dhowr ah. Waxaa la dilay wiilkiisa curadka ah. Weligii hal habeen hal meel ma seexan, hurdo dhowr saac oo isku xigta ma hurdin. Waxaa isku si u ugaarsanayay Boliiska iyo kooxo mooryaan ah oo ay is hayeen. Waxaa xabsiga la dhigay dhowr jeer. Wuxuu ahaa hogaamiyaha koox mooryaan ah oo daroogada iibisa, kooxdiisa waxay ahaan jireen kooxda loogu cabsi badan yahay dunida.

Waxaa bishii soo geli jirtay boqolaal milyan oo doolarka Mareykanka ah. Waxaa u shaqeeyn jiray boqolaal mooryaan ah oo aad u hubeysan. Shaqaalihiisa waxaa kamid ahaa; rag darajo sare ka gaaray Boliiska, gar-yaqaanno,kuwo dabagalka ku takhasusay, xubno ku jira golaha baarlamaanka iyo qaar kaloo badan.

Wuxuu ku dhashay dalka Talyaaniga, waxay waalidkii usoo hijroodeen dalka Austraalia halkaas oo uu ku barbaaray. Wuxuu ka dhashay qoys dan yar ah, labadiisa waalid waxay kala shaqeyn jireen labada gelin saacado dhaadheer waqtina umaba hayn inankooda ama wiilkooda yar. Wuxuu tagi jiray Iskuul, laakiin maalmo wuu goyn jiray si uu shaaricyada ama wadooyinka ugula ciyaaro ciyaal sidiisoo kale ahaa.Maadaama labadiisa waalid ay ku mashquuleen shaqo –waxaa wehel u ahaa ciyaalka daroogada iibiya.

Maalin maalmaha kamid ah ayaa waxaa arkay nin kamid ahaa hogaamiyaha koox mooryaan ah oo doroogada iibisa, wuxuu la yaabay geesinimada iyo dhiiranaanta inankaan yar iyo sida ciyaalka da’diisa ahi ay uga baqayaan. Deedna wuu u yeeray wuxuuna ku yiri; ma doonaysaa inaad kamid noqoto kooxdayda oo aad lacag sameyso? Wuxuu inankii yaraa ku jawaabay haa. Sidii ayuu uga mid noqday kooxdii daroogada iibin jirtay.

Waalidkii ayaa durbadiiba dareemay in wax kusoo kordheen wiilkooda –kadib markeey ku arkeen isagoo dhar iyo waxyaabo cusub xiran, waxay kaloo ku arkeen xirmooyin lacago ah. Waalidkii wey canaanteen, inankii yaraa canaantii ayuu qaadan waayay wuxuuna go’aansaday inuu u sheego hogaamiyihii kooxdan mooryaanta ah, hogaamiyihii ayaa ku yiri dhib malaha oo hoo furahaan oo qolkaas iyo waxa ku jiraa adigaa iska leh, laakiin shaqada haka seexan waa inaad si wacan u shaqaysaa. Sidaas ayuuna labadiisa waalid uga soo tagay.

Yeelkadeedee, waxay giraantu sidaa u wareegto, oo uu wiilkii yaraa ugu jiro daroogo la iibinayo iyo la dagaalanka kooxaha kale ee daroogada, iyo waliba ka badbaadida ugaarsiga ciidamada Boliiska –wuxuu noqday gacanta midig ee hogaamiyaha kooxdiisa. Waxay indhihiisa haleeleen indhaha inanta kaliya uu dhalay hogaamiyaha kooxda. Wuxuu la haasaaweeyo oo hadba ubax iyo hadiyo qaali ah uu siduu roobkii ugu rusheeyo inanta ama gabadhii –wuxuu hantiyay qalbiga qalanjadii uu dhalay hogaamiyaha kooxda.

Hogaamiyaha kooxda wuxuu awlaad ka lahaa inantaas oo qura, wuxuu ogaa inuusan muddo dheer sii noolaaneyn, sababtoo ah; cadowgiisa oo badan oo afarta beenaj habeen iyo maalin ay kasoo weerarayaan iyo isaga oo qabay cudurka kansarka. Wuxuu aad ugu farxay in inankii yaraa uu shaarica kasoo qaatay oo isagu in badan uusoo koriyay inuu inantiisa uu saaxiib la yahay, wuxuuna go’aansaday inuu u dhigo aroos aan Australia mid lamid ah aan weligeed lagu dhigin.

Hogaamiyaha wuxuu aad ugu farxay inuu gabadhiisa ama inantiisa u helay wehel uu aad u yaqaan oo uu ku kalsoon yahay, maadaama uu hantidiisa oo dhan uu uga tagi doono inantiisa. Aroos ay malaayiin doolar ku baxday ayaa loo dhigay labadii is-calmatay, hogaamiyihiina markaan aad ayuu u faraxsan yahay.

Waxa ay maalmaha iyo habeenadu isweydaarsadaanba, inantii uur ayeey qaaday, muddo yar kadibna waxay dhashay wiil. Hogaamiyihii kooxda ayaa aad ugu farxay in ilmo uu awoowe u yahay dunida kusoo biiraan. Maalin maalmaha kamid ah ayuu hogaamiyaha kooxda uu si darran u xanuunsaday, deedna isbitaalka ayaa la dhigay, intuu isbitaalka ku jiray ayuu hantidiisa oo dhan ku wareejiyay inantiisa, shaqadiisiina wuxuu u magacaabay inanka uu soddoga u yahay – wuxuuna sidaas u sheegay dhamaan xubnaha kooxda. Waxyar kadib hogaamiyihii wuu geeriyooday – shaqadiina waxaa si rasmi ah ula wareegay inankuu soddogga u ahaa.

Xaal wuxuu sidaas ahaadaba, hogaamiyihii cusbaa wuxuu galay dagaalo badan oo is daba joog ah iyo isa rasaaseyn joogto ah. Cadowgiisa ayaa batay, oo qaar kooxda ka tirsanaa ayaa iminka nacab u qaaday, maadaama uu isku dhexlay inantii hogaamiyaha iyo hantidiisiiba. Inankiisii ayaa weynaaday oo noqday mid garab istaagi kara aabihii. Maalin maalmaha kamid ah ayaa koox mooryaan ihi ay fooda is dareen, judhiiba waxay rasaas wadnaha kala heleen inankii hogaamiyaha oo aan meeshaba laga soo rogin, hogaamiyihiinna waa dhaawaceen. Markuu tacsidii inankiisa uu kasoo faaruqay isaganna uu ka biskooday dhaawicii soo gaaray, ayuu dardar geliyay inuu ugaarsado raggii inankiisa dilay. Iska horimaadyo badan oo uu ku dhaawacmay dhowr jeer, ayaa maalin maalmaha kamid ah waxaa si kadis ah gacanta ku dhigay ciidamada Boliiska, maxkamadeyn kadibna waxaa la dhigay jeelka ama xabsiga.

Waxaa dhacday in xabsiga uu ku helay waqti uu hurdo ku lado ama ku seexdo oo kaligii khalaaweeyo –maadaama qol kaligii lagu xiray. Wuxuu ka fikiray nolosha xawliga ku socota ee dheereenaysa ee uu saaran yahay, iyo waxa ka qaldan. Miiska qadada ee maxaabiista ay isugu yimaadaan ayeey isku barteen dhalinyaro Muslimiin ah, wuxuu arkay dhalintaannu in ay ka duwan yihiin maxaabiista kale. Wuxuu bilaabay inuu dhalinyaradaas dabagalo oo ogaado waxay sameeyaan iyo waxay yihiin. Markuu dhowr cisho ama maalmood si dhow ula socday xaalka dhalintaan ayuu wuxuu arkay, in dhalintaannu yihiin dad muslimiin ah oo Allahood caabuda.

Wuxuu go’aansaday inuu saaxiib la noqdo oo raggaan ka agdhowaado. Dhalintii waa soo dhoweeyeen waana aqbaleen waxayna bilaabeen in ay diinta baraan. Muddo waxay xaalkiisa sidaas uu ahaadaba, wuxuu go’aansaday inuu islaanimada qaato wuxuu ku ashahaatay xabsiga dhexdiisa iyo dhalinyaradaas hortooda. Waxaa durbadiiba diinta soo galay rag badan oo asxaabtiisa ahaa.

Ninkaasi waxaa la oran jiray Vince Focarelli wuxuuna ahaa hogaamiyihii Gaangistarada ama Burcada ee loo yiqiin ‘the Bikes’ maadaama ay mooto wax ku weerari jireen – haddana wuxuu la baxay Cabdulsalaam.

Cabdulsaam wuxuu yiri; “maanta waxaan ka xoroobay wax walba oo aan u malaynayay xoriyad, xoriyadda dhabta ah waa inaad ka xorowdaa adduunyada oo aad alle caabudaa”

Cabdulsalaam wuxuu ku dhowaaqay inuu cafiyay dhamaan dadkii dhibta kala dhexeeysay oo ay ku jiraan raggii dilay inankiisa haatana waa mulkiilaha maqaaayad iibisa cunnada xalaasha ah.

Fadlan walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Qalinkii: Abdi J Arab

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews