berberatoday.com
Daawo Muuqalka”Wasiirkii Hore Ee Boosaha Iyo Isgaadhsiinta Maxamed Jaamac Abgaal Oo Beeshiisa Samaroon Ugu Baaqay Inaanay Codkooda Iska Bixine Ay Shuruud Ku Xidhaan Madaxweynaha Ay Dooranayaan
July 27, 2017 - Written by Berbera Today

Wasiirkii Hore ee Boosaha Oo ku faanay inuu qaato Mushahar aanu Xilkiisa heynin, Xilli Dalku ku jiro Xaalad dhaqaale Oo Adag

Borama(Berberatoday.com)-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Maxamed Jaamac Abgaal oo Shalay Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka AWDAL, ayaa sheegay inuu illaa hadda qaato Mushaharkiisii Wasiirnimo, wallow aanu wax Xil ah Qaranka u haynin.

ABGAALGUDABUURMr. Abgaal waxa kale oo uu Shirkiisa jaraa’id kaga hadlay oo uu ku sheegay in Tabashooyinka Beesha Samaroon ka qabto Saami-qaybsiga Xukuumadda Somaliland ay xilligan Ololaha Doorashadu socoto ay kala xaajooto Musharraxa ay doonayaan ay Codkooda siiyaan, halkii ay hadhow ka Callaacali lahaayeen.

Maxamed Jaamac Abgaal oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Markaan tabbashada ka hadlayo waxaan ka hadlayaa Dadka Reer AWDAL ee Samaroon iyo Ciise. Maanta reer Awdaloow fursad baynu haysanaa, fursaddaa aynu haysanno haddaynu wax ka qabsan wayno yaanay jirin Cid dambe oo aynu wax ka tabanaa. Waxa Madaxweyne ka noqonaya Ninka aynu siino Boqolka kun ee Cod iyo inta ka badan, taasi waa biyo kama dhibcaan oo codkii uu Madaxweynaha Somaliland ku soo bixi lahaa Anigaa haya.”

Mr. Abgaal oo hadalkiisa sii wattaa wuxuu sheegay “Mar hadday sidaa tahay, laba qodob baa la innaga rabaa, kow inaynu Dalka u doorno oo aynu nidhaahno yaa Qaranka ku habboon Masuuliyaddiisa, ta labaad, wixii aynu ka rabnay inaynu ee berri markuu Xeroodo aynu ula tagi lahayn imika bannaanka aynu ku kala saxeexano, dabadeedna innaga oo jeebka ku haysanna waxeennii uu codku dhaco.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray isagoo ka jawaabaya Su’aal laga waydiiyey wuxuu xilligan aanu xilka haynin uga hadli waayay markuu Wasiirka ahaa, “Xisbiga KULMIYE waxaan ku jiraa Guddigiisa fulinta, Mushahar baan qaataa imika, Shalay markaan Xilka hayey Mushahar baan qaadan jiray, Maantana Mushahar Wasiir baan qaataa, markaa KULMIYE eedayn maayo, Xisbi kalena eedayn maayo.”

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews