berberatoday.com
Weriye Xarunta CID-da Ee Hargeysa Muddo Soddon Maalmood Ugu Xidhan Maxkamad La’aan + Wasiirka Warfaafinta Oo Xadhigiisa Amray
July 27, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Weriye Siciid Ismaaciil Ducaale oo ka tirsan hawl-wadeenada Telefishanka Qaranka ayaa

la sheegay inuu muddo soddon maalmood amarka Wasiirka Warfaafinta Cismaan Cabdillahi Saxardiid (Cadaani) ugu xidhan yahay xarunta Dembi-baadhista Hargeysa.

Image may contain: 2 people, eyeglasses and closeup

 

Sababta xadhiga weriye Siciid Ismaaciil u amray Wasiirka Warfaafinta Mr. Cadaani ayaa lagu sheegay inuu ka dambeeyey ka dib markii lagu eedeeyey inuu jebiyey muraayad dhinaca hoose kaga taalay albaabka hoolka Tiyaatarka Wasaarada Warfaafinta.

 

Wasiirka Warfaafinta Mr. Cadaani iyo masuuliyiinta kale ee wasaarada iyo Maareeyaha Telefishanka Qaranka oo isku deynay inaan wax ka weydiino, ayaanay noo suurtoobin, isla markaana aan wax tafaasiil ah ka bixinin, sababta xadhiga weriye Siciid Ismaaciil, oo hadii markhaati ku cadeeyo xitaa mudnaa in qaab ka wanaagsan, laguna luminayn kalsoonidii weriyaha iyo dhamaan inta kale ku dhameeyaan.

Inbadan oo ka tirsan shaqaalaha wasaarada warfaafinta ayaa si weyn isku weydiinaya sababta keentay in qof shaqaale ah oo dembiga lagu eedeynayey yahay muraayad yar, xadhigisa loola doontay xarunta CID-da oo baddi lagu xidho dadka dembiyada waaweyn sida argagxisada loo haysto lagu baadho, laguna xidho.

Dembiga mudadda soddonka maalmood loo haysto weriyahan ka tirsan Telefishanka Qaranka ayaan weli caddeyntiisa loo gudbin hay’adaha garsoorka iyo maxkamadaha, isla markaana xadhigiisu u muuqdaa mid baalmarsan sifaha sharciga & qawaaniinta dastuurka JSL ee ixtiraamaya xuquuqal-insaanka.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews