Daawo Muuqalka”Siyaasi Xussen Axmed Ceydiid Oo Ka Hadley In Ay Jiraan Arimo Shaqsi Ah Oo Ka Dhexeeya Isaga Iyo Muuse Biixi
July 29, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Telefishanka Eryal Tv ayaa waxaa uu dhawaan wareysi dhinacyo badan taabanaya
oo la yeeshay siyaasi Xussen Axmed Ceydiid oo ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga Mucaarida ah ee Waddani
Wareysiga lala yeeshay Xussen Axmed Ceydiid ayaa lagu weydiiyey su,aalo badan oo ay ka mid tahay in ay jirto arimo shaqsi ah oo ka dhaxeeya isaga iyo Muuse Biixi , waxaana uu cadeeyey in aaney jirin arin shaqasi ah ama naceyb shaqsi ah oo ka dhaxeeya isaga iyo Muuse Biixi
” Muuse Biixi wax shaqsi ah nagama dhaxeeya ee arigtida iyo hogaaminta dalka ayaanu ku kala duwanahay , sida uu shirka u maamulay baan diiday , in lagaga haboonaa baan qabey , hadii uu igaga guuleysto dimuqraadiyada ayaa ii fasaxeysay ee in aan ku gacan qaado Ayaan u ahaa ” ayuu yidhi