Murashaxa Madaxweynaha WADDANI Oo Kulan Ballaadhan La Qaatey Qaar Ka Mid ah Ardeyda Jaamacadaha Ee Dalka (Sawiro)
July 29, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Murashaxa Madaxweynaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa xalay kulan aad u ballaadhan hotel Maamuus ee Hargeysa kula qaatay qaar ka mid ah dhallinyarada iyo ardeyda kala duwan ee wax ka barta jaamacadaha dalka.
Kulankan oo guddoomiye Cirro ay ku wehelinaayeen Murashaxa Madaxweyne ku xigeenka xisbigaasi Ambassador Maxamed Xaaji Cali Cabdi, hoggaamiyaha xisbigaasi Xirsi Cali Xaaji Xasan, Xoghayaha cadaaladda Xisbigaasi Haldoor Barkhad Jaamac Xirsi Batuun, Xoghayaha ciyaaraha ee Xisbigaasi Yoonis Axmed Yoonis, Xoghayaha Duulista ee Xisbigaasi Nuuradiin Diini, Madaxa Hawl-wadeenada Murashaxa Madaxweynaha WADDANI Aqoonyahan Baashe Yuusuf, guddoomiyaha garabka dhallinyarada Xisbigaasi Md.Maxamed Siddiiq, xoghayaha garabka dhallinyarada Aftax Siciid Jaambiir, Qasnajiga garabka dhallinyarada Filsan Cabdiraxmaan, siyaasiyiin, mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Xisbigaasi iyo weli