Xayawaanno Uu Aadamuhu Ka Dhigtay Hub Uu Cadowgiisa Kula Dagaalamo Ama Si Kale Colaado Uga Qayb Qaatay ‘Jiirka’
July 30, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Waa qisadii saddexaad ee qormadii uu Geeska Afrika Afsoomaaliga u rogay ee ka warramaysay marar kala duwan oo taariikhda soo maray oo aadamuhu uu xayawaan u adeegsaday ciidan ama hub uu cadow iskaga difaacay ama ku weeraray.
Qarniyadii dhexe ee taariikhda Yurub waxaa aad caan u ahaa habab bahalnimo ah oo ay dhinacyadii kala duwanaa ee dagaalami jiray ula dhaqmi jireen maxaabiista ay dagaalka ku kala qabsadaan. Hababka aadka loo xasuusto ee jiri jirayna waxaa ka mid ahaa in xayawaanka jiirka loo adeegsado ciqaabista cadowga, iyada oo lagu fasaxayo in uu qofka oo nool cuno.